Lix Xanuun Oo Isticmaalka Kalluunku Ka Hortago

0
404

Cunitaanka joogtada ah ee kalluunka waxa uu ka caawiyaa dadka, kana hortagaa xanuunno badan  oo halis ah.
Saliidda kalluunka loo yaqaan Salmon waxa uu leeyahay oo uu qani ku yahay duxda loo yaqaan (omega-3 fatty acids)
Kalluunku waa cunto runtii aad u muhiim ah, waxaana ka buuxa fiitamiino iyo macdanno, kuwaasoo ay ugu muhiimsan tahay duxda (omega-3 fatty acids), kalluunku waxa uu awood u leeyahay ka hortaga xanuunnada  Kansarka, murugada badan (depression) ee keenta madax xanuunka.
Lix faa’iido ee ay kalluunka cunitiisu leedahay:
Waxa uu la dagaalamaa wadne xanuunka
Xarunta ka hortaga wadne xanuunka ee dalka Ingiriiska (British Heart Foundation) ayaa sheegtay in cunitaanka kalluunku ay hoos u dhigto khatarta cudurrada ku dhaca wadnaha, waxaanu kor u qaadaa fursadaha badaadiya wadne istaaga. Sidoo kale waxa uu hoos u dhigaa  heerka subaga dhiiga. Waxa kale oo ay saliidda kalluunka la aaminsan yahay inay xidh-xidhnaanta dhiiga furfurto, taasoo sababi karta khatar ku timaada shaqada wadnaha.
Waxa kale oo uu kalluunku caawiya maskaxda iyo shaqadeeda.
Duxda laga helo saliidda kalluunku waxay ka hortagtaa khatarta ama dhaawaca ku yimaada unugyada maskaxda. Isticmaalka kalluunku waxay sidoo kale hoos u dhigtaa dhiig-karka, kaasoo xidhiidh la leh inay si fiican u shaqayn waydo maskaxdu. daraasad Faransiiska laga sameeyay dad gaadhaya 2000 oo qof waxay soo saartay in dadka cuna cuntada badda todobaadkii hal mar inay faa’iido u leedahay hoos u dhigidda xanuunnada maskaxda saameeya, marka loo eego dadka aan cunin kalluunka muddo todoba sanno ah.
Waxa uu kalluunku la dagaalamaa xanuunka Kansarka.
Daraasad laga sameeyay 6000 oo qof oo rag ah muddo sodon sanno ah waxay iyaduna soo saartay in qofka aan cunin kalluun  uu halis u yahay kansarka ku dhaca qanjidhada, marka loo eego qofka si caadi ah u isticmaala kalluunka noocyadiisa kala duwan.
Cunitaanka kalluunku waxa uu hoos u dhigaa warwarka.
Waxay warbixinuhu sheegaan in isticmaalka kalluunku uu hoos u dhigo warwarka. Sidoo kale waxa la aaminsan yahay inuu kor u qaado waxlaha ay u baahan tahay shaqada maskaxdu.
Waxa uu ka hortagaa xanuunnada madaxa saameeya.
Bulshada cunta kalluunku waxay ka badbaadaan xanuunnnada ku dhaca madaxa, sida xumadda badan, dhan-jafka iyo dawakhaada.
Waxa uu u Fiican yahay dubka jidhka.
Marka loo eego daraasado badan oo laga sameeyay meelo kala duwan oo caalamka ah kalluunka, gaar ahaan cunitaanka noociisa loo yaqaan salmon waxa uu caawiyaa dubka jidhka bani’aadamka, isla markaana waxa uu ka ilaaliyaa coodh-coodhka.
Noocyada kalluunka ee ugu faa’iidada badan waxa ka mid ah:
Kalluunka Cad, waxaana ku badan macdanaha iyo  barotiinada hoos u dhiga subaga dhiiga.
Saliidda noocyada kalluunka, sida sardines, pilchards, salmon and mackerel, waxay leeyihiin duxda omega-3 oo faa’iido badan leh.
Kalluunka Crab, lobster and mussels waxay la dagaalamaan xanuunka Kansarka.
 
 

Leave a Reply