Nayjeeriya oo Weerar Kama dambeys ah ku Qaadey Boko xaram

0
405

Militeriga Nigeria ayaa sheegaya inay ku qaadayaan weerar kama dambeys ah keyn la rumeysan yahay inay tahay meesha ugu weyn ay isku qarinayaan Boko Xaraam.
Afhayeenka Militeriga, Chris Olukolade, ayaa xaqiijiyay in howlgalada ay ka socdaan keynta Sambisa oo u dhaw xadka Cameroon.
Dowladda Nigeria ayaa sheegaysa in Boko Xaraam ay baxsanayaan, ayna wacad ku martay inay ka taqalusi doonto waqtiga xilka lagu wareejinayo Madaxweynaha la doortay Muxamadu Buhari ee 29-ka May.
Waxaa la rumeysan yahay in weli keynta lagu haysto in ka badan labo boqol oo gabdho Iskuuley ah oo laga afduubtay Chibok sanadkii tagay.
 
 
 
 

Leave a Reply