“Puntland Faraha Ha Kala Baxdo Colaadda Ay Ka Dhex Waddo Dadka Reer Talleex” Suldaan Xiiray

0
388

Hargeysa(Dawan):- Afhayeenka Salaadiinta Somaliland SuldaanYuusuf Muxumed Xiiray,ayaa sheegay in Maamul goboleedka Puntland uu ku hawlan yahay colaad iyo dagaallo uu ka dhex qarxiyo beelaha walaalaha ah ee reer Somaliland isagoo intaa ku daray in Maamulka Puntland imika gacan ku leeyahay dagaalka  ku dhex maray beelaha walaalaha ah degmada Taleex ee Gobolka Xaysimo  oo ay ugu yaraan lix qof ku  dhinteen.
Waxaa kale oo uu Suldaan Xiiray baaq nabadeed u diray labada beelood ee dirirtu dhex martay waxaannu Madaxdhaqameedka reer Somaliland sidoo kale ugu baaqay in ay isu yimaadaan gurmad nabadeedna ka geystaan daminta colaadda Taleex oo uu sheegay in ay dabada ku hayso siyaasad  lid ku ah Somaliland oo laga soo maleegay Garoowe.
Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray waxaa uu sidaa ku sheegay Waraysi gaar ah oo uu xalay khadka Telefoonka  ku siiyay Wargeyska DAWAN.
. “Marka ugu horraysa waxaan leeyahay beelaha walaalaha ah ee naf iyo nololba wadaaga ee shalay(dorraad) ku dagaalamay magaalada Taleex walaalayaal dhiig daata iyo dagaal dad innagaga dhintaa danteenna maaha ee xabbadda joojiya oo ciidanka kala rara  dhiig dambena yaanu daadan intii hore innooga dhimatay  cid dambe ha ka daba geynina.
Waxaad kala tabanaysaanna gogol nabadeed ayaynu ku dhamaynaynaa oo waynu isugu imanaynaa waxaanad tihiin dad walaalo ah oo reer Somaliland ah ee yaan colaad cadaw soo maleegay dibadda la idiinka soo waaridin oon la isku kiin dilin,”ayuu yidhi Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray.
 
Waxaanu intaa ku daray “Dagaalkani maaha dagaal beeleed oo kaliya laakiin waa dagaal siyaasadeed oo uu soo qaaday cadawga Somaliland oo isku hubaynaya  colaadna ka dhex abuuraya beelaha walaalaha ah ee reer Somaliland ee Taleex wada deggan.  waxaanan leeyahay Maamulka Puntland faraha  ha kala baxdo dagaalka ay ka dhex waddo dadka reer Taleex waan ognahay oo way caddahay in dagaalkan  laga soo waariday Garoowe.
Dadkani waa dad reer Somaliland ah  Puntland-na kama yeelayno in ay dadkayaga hub isugu dhiibto oo ay isku dirto waxaanan diyaar u nahay Madaxdhaqameed ahaan in aanu arrinta galno oo aanu collaadda soo afjarno waxay kala tabanayaanna gogol nabadeed ku dhammayno.”
waxaa kale oo uu baaq u diray Xukuumadda Somaliland oo uu ku adkeeyay in ay ciidan iyo caawimaba la gaadho dadka halkaa dhibaatadu ka soo gaadhay.“Xukuumadda Somaliland waxaan ugu baaqayaa in ay dhankeeda ka gasho gurmad nabadeed oo ay ciidan kala dhex dhigto beelaha walaalaha ah ee cadawgu isku diray iskuna hubeeyay waxaa kale oo aan ugu baaqayaa Xukuumaddu in ay gurmad caawimo ah la gaadho dadka maatida ah ee dagaalka ku bara kacay iyo in ay dawladdu  ka qayb qaadato sidii loogu diri lahaa wax garad nabad  ku soo dabbaala arrinta labada beelood meeshana ka saara dhibaatada ay Puntland dadkeenna kala dhex dhigayso.”ayuu yidhi Afhayeenka Salaadiinta Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray.
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply