Hargeysa (Dawan)- Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe ayaa soo dhaweeyay qorshaha xukuumadda ee hurumarinta iyo ballaadhinta Dekeda Magaalada Berbera, isaga oo sheegay in dekedeennu ay tartan ballaadhan kula jirto kuwa dhigeeda ah ee wadamada jaarka, isla markaan ay lagama maarmaan tahay in la soo dhaweeyo sharaa’iga soo dalbaday ee danaynaya inay maal-gashadaan casriyaynteedda.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu dhaliil xoogan u jeediyay dadka iyagu ka soo hor-jeeda qorshahan ballaadhinta iyo horumarinta dekeda Berbera, kuwaasi oo uu ku tilmaamay in ay yihiin dilaaliin iyo shaqsiyaad dhuuni-qaatayaal ah oo aan danaynayn horumarka iyo qarannimada Somaliland.
Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaasi ka sheegay mar uu shalay warfidiyeenada kula hadlayay qolka nasashada (VIP) ee gagida diyaaradaha Cigaal Intentional Airport, kadib markii uu soo dhamaystay safar muddo qaatay oo uu dalka dibadiisa ugu maqnaa.
“Dekadihii hareeraha innaga xigay oo dhan ayaa weynaanaya, Jabuuti afar ayey dhisanaysaa, Boosaaso ayaa socota, adduunkana maanta dekedaha waa la horumarinayaa, qaar waxay doonayaan inay meesha iska haysataan oo maareeye yari iska haysto,laakiin haddii aynaan dekedaas ka shaqayn dadka soo dalbadayna si cadaalad ah loo eegin, dad khibrad leh oo innagala taliyana aynaan dalban way innagu baaryeysaa, waayo hareeraheena oo dhan ayaa la dhisayaa sidaas Saylac ayey innaga noqon doontaa, markaa waxaan leeyahay arinta dekedu waa inay wax cad noqotaa shirkadaha yimidna waa in si cadaalad ah loo kala dooraa,”ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe waxa uu ka hadlay masuuliyadda dib u dhaca doorahooyinka, waxaannu yidhi “Doorashooyinku wakhtigooda inay dhacaan weeyaan, haddii ay dhici waayaana golaha wakiilada ayaana dambiga leh, sadexda xisbi markii aanu ku shirnay akaadamiga bishii labaad cidii diiday habkii aanu ku heshiinay waa la ogyahay , cidii kicisay baarlamaanka waa la ogyahay. Haddii ay doorashaddu wakhtigeedii ku dhici weydo gollaha Wakiilladda ayaa dambigaas leh.”
“Afar bilood muddo ku dhow ayaan dalka ka maqnaa waxaanan ku maqnaa dan qaran markii aan arkay innagii oo isku jeesanay, dadkii iga caawiyeyna waan u mahad naqayaa, waxaanan maray ilaa toban dal, Marka ugu horaysay waxaan aad ugu farxay in la bilaabo qisaasta dadkii dilka gaystay, dad islaam ah ayeynu nahay waxaana ciqaabta loo soo saaray in inta kale la badbaadiyo, mana aha innaynu ogolaano sharciga bila aadanka waa inaynu ka ILLAAHAY ixtiraamno, qofkii wax dilay waa in la qisaasaa waana inaanay lixdaas ku istaagin,”ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
Dawannews Hargeysa office