Dhulgariirkii Nepal oo Dhimashadu Marayso 2500 oo Qof

0
376

Kumanaan reer Nepal ah ayaa ku qaatay habeenkii labaad dibadda guryahooda kaddib markii wadooyinka oo xidhmay iyo dhulgariir  soo noqday shalay ay gaabis ka dhigeen howlaha samatabixinta.
Ugu yaraan labo kun iyo shan  boqol ayaa ku dhintay masiibadaas. Kooxaha gargaarka waxay sheegayaan inay jiraan koronto iyo biyo yari, waxayna dowladda sheegtay in deg deg loogu baahan yahay taambuugyo iyo kiishashka meydadka lagu rido
Kumanaanka ku barakacay caasimadda ayaa dareen cadho leh ka muujiyay  xukuumada markii ay ka yaraaden biyihii iyo cuntadii kadib dhulgariirka ky dhyftay oo lagu qiyaasay 7.8 qiyaasta gariirka dhulka.
Wariye BBC ka tirsan oo jooga magaalada caasimadda ee Kathmandu ayaa sheegaya in magaalo teendho ah la dhisay, halkaasi oo ay dadka ka samaysteen baco iyo cooshado, sababtuna waxay tahay ayagoo ka cabsi qaba inay dhex joogaan aqalladoodi burburku soo gaadhay.
 
 
 
Dhulgariir kale oo cabbirkiisa lagu sheegay 6.7 ayaa shalay ruxay magaalada Kathmandu ee dalka Nepal.
 
Mareykanka iyo dalal kale ayaa kooxaha ka jawaab bixiya masiibooyinka u diraya dalka Nepal si looga caawiyo shacabka Nepal ee ay waxyeelladu ka soo gaadhay dhulgariirkii ku dhacay dalkaasi.
Inkastoo illaa hadda aan la sheegin khasaaraha ka dhashay dhulgariirka shalay ka dhacay dalka Nepal haddana weli waxay dadku ka soo kaban la’ayihiin dhibaatadii ka dhalatay kii isniintii halkaasi ka dhacay.
Waddamada deriska la ah dalka Nepal ee Hindiya iyo Pakistaan ayaa lagu soo warramayaa in ay kooxaha gurmadka ku direen buuraha waaweyn ee dalka Nepal si halkaas looga soo baadigoobo haddii ay jiraan dad ka badbaaday dhulgariirka dorraad iyo shalay ka dhacday dalka Nepal.
 
 
 

Leave a Reply