Dibadbaxyada Burundi oo Sababay Dhimasho

0
358

Ugu yaraan labo ruux ayaa lagu toogtay isku dhacyo u dhexeeyay booliska iyo dibadbaxayaal caasimadda Burundi ee Bujumbura.
Dad badan ayaa ku dhaawacay, kuwa kalena waa lagu xidhay.
Booliska ayaa adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa, tubooyinka biyaha tuura iyo xabado nool.
Dibadbaxayaasha ayaa ku eedeeyay dowladda inay sameysay afgambi dastuur kaddib markii loo doortay madaxweyne, Pierre Nkurunziza, inuu u tartamo xafiiska mar sadaxaad.
Booliska ayaa xoog ku galay xarunta raadiyaha taageera mucaaradka, waxayna ku hanjabeen inay xidhayaan hadii aysan joojin tabintooda tooska ee dibadbaxa. —
 
 

Leave a Reply