“Waan Is Dilayaa, Waa Gabadh Foolxun”

0
440

Nin u dhashay dalka China ayuu ku dhacay niyad jab, ka dib markii uu arkay gabadhii loo guuriyay muuqaalkeeda habeenkii arooska. Ninkan ayaa isku deyay inuu is dilo oo isku tuuro webiga u dhowaa. Xafladda arooska ayaa loo sameeyay Kawaneu  Chein oo 33 jir ah iyo gabadhiisa uu aroosanayay Nasuing oo 30 jir ahayd. Waxay ahayd gabadh aanu hore u arag noloshiisa , waxaana usoo xulay waalidkii, iyagoo una diyaariyay arooska.
Laakiin ninkan ayaa markii uu indhaha ku dhuftay gabadhan sheegay in aanay buuxin miqyaaskii uu ka rabay gabadha uu guursanayo. Waaxana uu dadka joogay arooska hortooda ka sheegay inay fool xun tahay. Ninkan ayaa goobta ka baxay oo isla markiiba doonayay inuu isku tuuro webiga.
Qof xafladan joogay ayaa sheegay in dadkii  xafladdda markiib ay ku dhacday werwer, iyadoo qoyskii inanta dhalayna ay aad u cadhoodeen sida inantooda loogu bahdilay goobtii arooskeeda.  Ninkan ayaa markiiba isku tuuray biyaha webiga , inkasta oo booliiska soo gaadheeen Iyagoo dadkii goobta joogay u maleeyay inuu dhintay ayay ka soo saareen biyaha webiga isagoo nool. Waxayna ka matajiyeen biyihii ka buuxsamay laabtiisa.

Leave a Reply