Scotland: Caadada Guurka ee Laga Fajacay

0
447

Xafladaha guurka iyo aroooska ayaa ummadaha oo dhan farax geliya, waxayna ku qaabilaan qosol iyo kaftan iyo ciyaaro kala duwan oo qolba dhaqankeeda adeegsato.
Laakiin dalka Scotland waxaa ka buuxa  musaabadaha guurkooda nooc lagu tilmaamo inay tahay waali iyo ka bad badin.  Ragga ayaa  wakhtigaasi soo xidha toobab waxayna ka garaacaan muusiga qalab iyaga u gaar ah. Waxase dadka maqla ama arkay yaab ku noqota marka lamaanaha arooska ay bilbaan inay iyaga  laftigoodu isku tuur tuuraan bariis iyo ubaxayo.  Wakhtigaasi ayay xafladdu si rasmi ah u bilaabantaa , iyadoo markaasi dadka kale ee xafladda jooga ku soo dhoweeyaan inay ku daadiyaan lamaanaha  korkooda beed, suugo iwm.  Arintan ah mid la xidhiidha caado diimeed ay aaminsan yihiin oo loo yaqaan Asawadka Caruuska “Aswad Bride” . Isla wakhtigaasi ayay dadka ehelka ah ee goobta jooga iyo asaxaabtuna lamaanahana ay  daadinayaan qof kasta waxa uu jecel yahay  in xafladda kaga qayb qaato sida beed, caano , sonkor iyo dhoobo midabo leh.  Taasi oo keenta in lamaanuhu ayba qarsoomaan.

Leave a Reply