Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo La Kulmay Jaaliyadda Somaliland Ee Norway

0
414

Oslo (Dawan)-Wasiirka Khaarajiga Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa  kulan la yeeshay jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan magaaladda Oslo ee dalka Norway, sidaasna waxa lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay wasaaradda khaarajiga.
 
 
“In ka badan 200 oo ka mid ah jaaliyadda Somaliland ayaa ka qayb galay kulan ka dhacay Oslo, Norway, si ay u dhagaystaan warbixin u Wasiirku ka siinayay Jaaliyadda horumarka Qaranka Somaliland ka gaadhay dhinacyada Xidhiidhka ganacsi ee Somaliland la leedahay Ethiopia, horumarinta Marinka iyo Dekada Berbera, arrimaha dooroshooyinka iyo Qoxootiga ka soo            qulqulaya Yemen.
 
Waxa kale oo uu Wasiirku ka hadlay muhiimadda xafiiska Somaliland
ee Norway,”ayaa lagu yidhi qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda.
Waxaanu intaas ku kabay “Kulankani oo ay khudbado ka jeediyeen xubno badan oo ka tirsan jaaliyada ayaa waxa soo gabo gabeeyay Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis, Kulankan oo si baxaad leh ay uga soo qayb galeen xubnaha Jaaliyada Somaliland ee ku nool dalkaasi oo soo buuxiyay hoolkii shirka ayaa ka turjumay sida ay u danaynayeen jaaliyada Somaliland ee Norway ka qayb galka kulan Wasiirka Arrimaha Dibeddu la yeeshay  Norway oo  ah booqashadiisii koowaad ee uu dalkaasi ku tago.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply