Heshiiska Wargaysyada iyo Shirkadda Google

0
335

Wargaysyada Yurub ayaa la daalaadhacayay in ay la qabsadaan internetka, iyaga oo ku waayay akhristeyaal iyo dakhli uga soo xaroon lahaa xayaysiisyada, qaar badanina waxa ay aaminsanyihiin in shirkadda Googal ay ka qaybqaadanayso arrintaasi.
Hadda shirkadda wax laga baadho ee Google waxa ay qiratay in ay ku khaldantahay sida ay ula dhaqanto warbaahinta waxa ayna heshiis kula gashay in ay iskaashi cusub yeeshaan.
In ku dhaw boqol iyo toban milyan oo pound ayayna ku maalgalindoonaan mashaariic cusub oo warbaahinta loogu adeegsanayo Online-ka, waxa ayna balanqaadeen in ay la tashan doonaan ururada wargaysyada si ay lacag badan ugu helaan wax soo saarkooda.
Talaabadan waxaa loo arkaa in ay tahay iskuday lagu hagaajinayo sawirka shirkadda Google kaddib markii Midawga Yurub uu ku eedeeyay in Google ay si xun u adeegsanayso suuqa balaadhan ee ay haysato.
Wargaysyada The Gurgian iyo the Financial Times ayaa ka mid ah ah wargaysyada ka qayb qaadanaya wadahadalkaasi, balse labadooduba waxa ay sheegeen in heshiiskaasi aanu  hirgalaynin inta ay Google ka badalayso shuruucdeeda.
 
Leave a Reply