“Waxa Ii Qorshaysan Haddii Aan Doorashada ku Guulaysto Inaan Qaato Nidaamka Fedaraalka Ee Adduunku Nagu Khasbayo”

0
413

Hargeysa(Dawan)-Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda, ahna Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa sheegay in haddii uu ku guulaysto doorashooyinka madaxtinimada iyo Baarlamaanka ee lagu wado inay ka dhacdo dalka kal-dambe, uu dalka ku dhaqi doono nidaamka federaalka oo uu la qaato dalka Soomaaliya.
 
Guddoomiye Cirro waxa uu sidaasi ku sheegay waraaq  uu u qoray dawladda Finland oo uu ka rux-ruxanayo inuu ka  helo  taageero dhaqaale uu ku galo ololaha tartanka doorashada madaxtooyadda. Warqadan oo ah fadeexadii ugu foosha xumayd ee soo waajahday Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxay ku soo beegantay xili uu socdaal ku joogo wadanka Turkiga, halkaasi oo ay kulamo shaki  dhaliyay  oo la xidhiidha qorshihiisa Soomaali weyn uu kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
 
 
 
 
 
Waraaqdan oo ku qornayd Luuqada Ingiriisiga ayaa lagu baahiyay qaar ka mid ah shabakadaha  Internet-ka  ee laga leeyahay Somaliland. Waraaqdaasina waxay u dhignayd sidan:-
“Marka hore waxa aniga iyo dawladda Finland sharaf iyo guul u ah in muwaaddin haysta dhalashada Finland oo uu xilal muhiim ah ka hayo dalka asal ahaan ka soo jeedo ee Somaliland oo muddo 23 sannadood ah adduunka ka waayey aqoonsi caalami ah, kana hayo xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo si xor  ah dadweynuhu u soo doorteen sannadkii 2005, sidoo kalena aan ahay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo ka mid ah saddexda xisbi qaran ee Somaliland leedahay, iyadoo ay weliba labadaas xil waaweyn ii raacdo in aan ahay murrashax u taagan tartanka doorashada madaxtinimada Somaliland ee u qorshaysan inay qabsoonto badhtamaha sannadka 2015.
Marka xiga waxaan dawladda iyo baarlamanka dalkayga labaad ee Finland uga mahad-celinayaa kaalinta iyo dhiirrigelintii ay marar badan igu siiyeen inaan mansabyo sare oo siyaasadeed ka qabtay waddankayga koowaad ee Somaliland oo dunidu dhegaha ka furaysteen inay aqoonsadaan muddo dheer.
Maamulladii kala dambeeyey ee soo maray Somaliland way guul-darraysteen inay  dunida ku qanciyaan xaqa dadkayagu u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan, noqdaanna qaran madax-bannaan, iyadoo aanay jirin sababo si fudud loo fahmi karo oo beesha caalamku ku aqoonsadaan Somaliland oo 23 sannadood oo ay Soomaaliya ka madaxbannaanayd ku tallaabsatay horumar aad u ballaadhan oo indhaha adduun-weynaha ka yaabiyey.
Aragti ahaan waxa aniga iyo xisbiga hoggaamiyo diblomaasiyan noo muuqatay in siyaasadda hoggaaminta Somaliland u baahan tahay  jiho cusub oo looga wareego go’doonka ay adduunka kaga jirto muddo rubuc qarni ku dhow, iyagoo dalalka caalamku sabab uga dhigtay in aqoonsiga Somaliland yahay arrin u taal Soomaalida dhexdooda [Soomaaliya iyo Somaliland oo go’aan ka gaadha midnimadooda amma kala-go’dooda].
Haddaba, anigoo ah murrashax u taagan jagada madaxweynimada Somaliland ee doorashada soo socota waxa ii qorshaysan haddii aan doorashada ku guulaysto in aan qaato nidaamka fedaraalka ee adduunku nagu qasbayo, kadibna aannu caalamka ka dalbano afti dadweynaha reer Somaliland ugu codeeyaan inay goonni uga go’aan Soomaaliya inteeda kale inay ka sii mid ahaadaan mustaqbalka, arrrintaas oo aan u arko inay fure iyo guul taariikhi ah u noqon doonto horumar iyo badhaadhe ay gaadhaan bulshada Somaliland ee go’doonka ku jiray muddo ku siman 24 sannadood.
Sidaa darteed, waxa aan dawladda iyo baarlamanka dalkayga labaad ee Finland marti uga ahay inay taageero dhaqaale iyo mid farsamaba igu siiyaan sidii aan ugu guulaysan lahaa doorashada madaxtinimada ee Somaliland ka dhacaysa sannadka soo socda, si aan dadkayga iyo dalkaygaba ugu jeexo jid cusub oo ay caalamka wax kula qaybsadaan, iyadoo aan rumaysnahay in taageeradaasi dawladda iyo shacabka Finland u noqon doonta tallaabo taariikhi ah oo wax weyn ka beddeli doona dhibaatooyinka, colaadaha iyo dawlad la’aanta daba dheeraatay ee dalka Soomaaliya ka jirta 23-kii sannadood ee la soo dhaafay,  caalamkuna ku jaha wareeray dejintiisa. Dawladda iyo shacabka reer Finland waxaan u rajaynayaa guul iyo barwaaqo.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply