Wefti Ka Socda Xukuumadda Oo Hawlo Nabadeyn Ah u Tagay Taleex

0
353

Taleex (Dawan): iyadoo ay magaaladda Taleex ku sii qulqulayaan ergooyinka  nabadaynta ee  ka qayb qaadanaya nabadaynta xurguf dhawaan laba beelood ku dhexmartay  magaaladaasi, ayaa shalay waxaa halkaasi gaadhay wefti ka socday xukuumadda Somaliland oo  uu hogaaminayo wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha ee Somaliand Baashe Cali jaamac.
weftigaasi oo ka kicitimay magaaladda Hargaysa  ayaa waxa  ka mid ah  badhasaabka gobolka Maroodi Jeex, xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka tirsan Golaha Wakiiladda  iyo xubno odayaal,   ujeedada socdaalka weftigaasi ayaa  lagu sheegay inay qayb ak tahay ergooyinka loo xilsaaray furdaaminta shaqaaqo dhismasho iyo dhaawac sababtay oo dhawaan magaaladda Taleex ku dhex martay labada beelood oo halakasi wada  dega.
Badhasaabka gobolka Xaysimo C/rashiid Maxamed Axmed (Xiir) oo magaaladda Taleex markii ay weftigaasi gaadheen ku soo dhaweeyay ayaa uga mahadnaqay inay kala qayb qaataan xalinta colaadda labada beelood dhexmartay.
Waxaanu  sheegay in xaalada ay dejiyeen, taasi oo ay ciidamadda qaranku qayb weyn ka qaateen, isagoo ugu baaqay labada dhinac inay aqbalaan baaqyada nabada iyo xabad joojinta ah ee uga imanaya dhinacyada dawlada, madax dhaqameedka.
 
Baashe Cali Jaamac, oo weftiga hogaaminayay oo isna  warbaahinta uga warbixiyay ujeedada socdaalka ay Taleex ku tegeen isaga iyo weftiga uu hogaaminayo, ayaa  sheegay in weftigooda uu soo diry madaxweynaha Somaliland, isla markaana ay ka qaybqaadanayaan xalinta dirirtii labadda beelood ee walaalaha ah dhexmartay.
 
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in ergooyin madax dhaqameed ah oo ka kala socda beelaha goboladda dalka, in ay gaadhaan magaaladda Taleex  si ay uga qaybqaataan xalinta shaqaaqada Taleex.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply