Badhasaabka Minnesota Oo Ka Joojiyay Cunitaanka Shimbiraha

0
400

Badhasaabka Minnesota ayaa gobolka uu ka taliyo kusoo rogay xanibaad dhinaca cunitaanka shimbiraha ah ,gaar ahaana digaaga,waxaanay tani ka dambaysay markii uu dib uga dilaacay meelo badan oo caalamka ah, gobolkaasina ku jiro xanuunka shimbiraha laga qaado ee Durayga shimbiruhu.
Sida lagu cadeeyey waraaq kasoo baxday badhasaabka xafiiskiisa,waxa la joojiyey isticmaalka hilibka digaaga oo aad looga isticmaali jiray gobolkaasi,iyada oo sidoo kalena la amray shaqaalaha caafimaadka inay baadhitaano ku sameeyaan meelaha digaaga lagu dhaqo ee gobolkaasi kamidka ah.
Iyada oo gobolkaasi sannad walba laga soo saaro 50 million oo digaag ahi,kuwaas oo lagu dhaqo lagana sameeyey xeryo waaweyn oo lagu beero digaaga ama lagu dhaqo.
Waxaanu ku amray badhasaabku masuuliyiinta kala duwan ee gobolkaasi in la sameeyo wax kasta oo xanuunkaasi faafidiisa lagaga hortegaayo,taas oo lagu laynaayo qaybo badan oo digaaga xanuunku haleelay kamid ah.

Leave a Reply