Guddiga Qaban-qaabada Sannad Guuradda 24-aad Ee Madax-banaanida Somaliland Oo Baaq u Diray Bulshadda

0
381

Hargaysa (Dawan)- Guddigii uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  dhawaan u magacaabay qaban qaabada Xuska 18-ka May, ayaa shalay kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Magaaladda Hargaysa.
 
Ku-simaha Gudoomiyaha Gudigaasi, ahna Wasiirka wasaaradda maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa ugu horayn kulankaasi ka hadashay waxaanay ka warantay waxa sanadkan halku-dhigga u ah Xuska Maalintan Qaran ee 18-ka May. waxaanay tilmaamtay in sanadkan laysla qaatay in hal-ku-dhiggu noqdo “Dalkayga Somaliland,Doodi kama furna.”
 
 
Wasiirka Maaliyaddu  waxay ugu baaqday qeybaha Bulshadda reer Somaliland gudo iyo dibadba in si weyn loo muujiyo Maalinta Qaranimadda Somaliland,  waxaanay tidhi “Waxaannu doonaynaa in aan u sheegno in 18-ka May loogu tallo galay in si weyn looga wada qeyb qaato, dibadda iyo gudahaba, in qof kasta oo Somalilander ku abtirsadaa meel kastaba ha joogee inuu si weyn u muujiyo farxada Maalintaas.”
Wasiirku  waxa kale oo ay  shacabka ku boorisay  inay isku-sidkaan Muujinta farxadda iyo fantasiyaha maalintaas iyo ilaalinta nabad gelyada uu dalkani ku naaloonayo mudadii uu jiray.
 
Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md.  Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa isaguna madashaasi hadal ka jeediyay, waxaannu sheegay in sannadkan saxaafadda Somaliland looga baahan yahay sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen xuska 18-ka May.
 
Wasiirku waxa kale oo uu ka warramay halku-dhigga sannadka ee xuska 18-ka May, isagoo tilmaamay in saxaafadda looga baahan yahay inaanay dhexdhexaad ka noqon xuska maalinta qaran ee 18-ka May.
“Sannad guuradan maanta ee xuska 18-ka May ee 24aad, waxaynu joognaa xilli aynu qaan-gaadh nahay, xilli ay dawladnimadeennu dhan walba taam tahay, sannad-guuradan kuwii hore ee soo maray dalka waxay kaga duwan tahay waxyaabo badan, waxaynu joognaa xilli aynu ku faani karno oo ay sannad-guuradani ku suntan tahay horumar uu dalku ka sameeya dhinacyo badan, waxaynu joognaa xilli aynaan baahi u qabin maanta inaynu war-war ka qaadno in jamhuuriyadeenna Somaliland carqalad dibadda kaga timaada ama mid gudaha ahiba ay waxyeeli karayaan,” ayuu yidhi Wasiir Cabdilaahi  Cukuse.
 
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay  ayaa yidhi. “Halku-dhigga sannadkan ee xuska 18-ka May waa Somaliland Dalkayga Dooddi Kama Furna. Sannadka cududda ugu weyn ee hormoodka ka ah xuska 18-ka May, iyadoo sannad walba ciddi sido waa saxaafadda Somaliland, kaalinta aynu saxaafad ahaan muujinaynaa maanta dhexdhexaad maaha, waxaynu nahay 18-ka May.”
 
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga, Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa Bulshadda u soo jeedisay in ka hor Xuska Maalinta 18 May laga sii shaqeeyo Nadaafadda, isla markaana la nadiifiyo goobaha kala duwan ee Qashinka si Maalintaas ay ugu dabaal dagno iyada oo deegaanku nadiif yahay.
Wasiirku  iyada oo arrintaasi ka hadlaysana waxay tidhi ”Maalintan 18-ka May, waa inay noqotaa maalin suntan oo nadaafadeena uu ilaaliyo gobol-kastaaba maadaama wakhtigan lagu jiro xili roobaad ,iyada oo ilihii biyuhu marayeen buuxsameen, waxa kale oo aanu doonaynaa in dawlada hoose in ay iyana xil-weyn iska saarto ,inaguna ka shicib ahaan inaynu nadaafada ilaalino oo maalintan 18-ka-May inoo soo gasho inagoo meel kasta oo wadanka ahi ay nadiif tahay waananu hanbalyaynayaa dadka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba.”
 
 
Wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha gudaha  ee Somaliland Axmed Faarax Cadare oo isaguna madashaas ka hadlay ayaa fariin dhinaca amniga ah u direy guud ahaan ummadda reer Somaliland meel ay joogaanba waxaannu yidhi “Ka wasaarad ahaan waxa aannu idin leenahay muwaadinka reer Somaliland meel kasta oo uu joogo isaga nabadgaliyada ilaaliya dhammaan gobolada iyo degmooyinka dalka waxaanu idin leenahay hambalyo ILLAAHAYNA nabad-gelyo ha inagu gaadhsiiyo.”
 
Guddidan oo uu Guddoomiye u yahay Wasiirka Daakhiliga, waxa kale oo xubno ka ah Wasiirrada Maaliyadda, Warfaafinta, Waxbarashadda, Deegaanka, Maayarka Caasimadda, Gudoomiyaha xuquuqal iinsaanka qaranka, Wasiirkii hore ee kaluumaysiga Somaliland Mudane Cabdilaahi Geel-jire iyo xildhibaan Axmed Maxmad Diiriye (Nacnac) iyo xubno kale.
By. Khadar M. Xaashi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply