Wadanka Sweden Oo Laga Mamnuucay Kiniinka Barasitimoolku Inuu Dibada Uga Baxo Farmasiiyada

0
476

Dawlada dalkaasi Sweden ayaa shalay soo rogtay sharci dhigaaya inaanu kiniinka Barasitimoolku dibada uga bixi Karin goobaha lagu iibiyo ee Farmasiiyada ah,iyada oo la mamnuucay sidoo kalena in caruurta laga iibiyo kiniinkaasi.
Waxaanay wasaaradda caafimaadka ee wadankaasi sheegtay inuu kiniinkaasi keenay dhibaatooyin badan oo ay ugu badan tahay caruurta oo ku sumawda kiniinkaas kadib marka laga iibiyo sidoo kalena guriga ay ka helaan .
Beyaan ay soo saartay hay’ada dawooyinka u qaabilsan wadankaasi ayaa ku sheegtay in aan meel aan Farmasi ahayn laga ogolayn dawooyinkaasi iibkooda,sidoo kalena ay mamnuuc tahay inay dibada si sharci daro ah ugu baxdo laga bilaabo horaanta bisha November ee sannadkan.
Khubarada caafimaadka wadankaasi ayaa soo dhoweeyey go’aankaasi iyaga oo sheegay inay tani tahay mid lagaga hortegaayo caafimaadka dad weynaha oo xumaanaya haddii kiniinkaasi layska isticmaalo.
Kooxaha caafimaadka ayaa hay’adan usoo gudbiyey kiisas aad u badan oo wadankaasi ka dhacay,kuwaas oo ay ku jiraan kuwo dhimasho iyo dhibaato dhinaca dumarka ah.
Hay’adan ayaa sidoo kalena samaysay daraasad ay ku ogaanaysay dhibaatada kiniinkan Barasitimoolka,taas oo la sheegay inuu aad u batay dhibaatada ka timid intii udhaxaysay sannadihii 2009 ilaa 2013 kii,hadana la wado mid lagu eegaayo sannadkan iyo kii hore,waxaanay sheegeen inay dhibaatada uu geystay ay sannadahaasi kor u kacday tiro dhan 40%.
Lediburg oo kamid ah hay’adan ayaa sheegtay in kiniinkani keeno dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin in lagu sumoobo iyo in uu dumarka dhibaato dhinaca dhalmada ah ku keeno,taasina ay tahay sababta loo mamnuucay.
Waxa sidoo kalena culays la saaray shirkaddaha wadankaasi ee soo saara kiniinada Barasitimoolka ,gaar ahaana labada nooc ee lagu kala magcaabo Banaudil iyo Alvedon oo la sheegay inuu caruurta iyo dumara dhibaato ku hayaan.
Ugu dambayna waxay sheegtay hay’adani inay kiniinadani ahaayeen kuwo samayn yar sannadihii 2000 ilaa 2005 oo aanay si aada suuqyada ugu soo bixin.

Leave a Reply