Kumanaan Tahriibe oo la Badbaadiyay Maalmihii u Danbeeyay

0
452

Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in la badbaadiyay in ka badan  4,000 oo qof oo muhaajiriin ah, islamarkaana laga  helay maydkooda toban kale xeebaha ka baxsan Liibiya dhamaadkii toddobaadka.
Hawlgal ay fuliyeen maraakiib Talyaani iyo Ingiriis ah ayaa lagaga soo saaray dadkaasi doonyo ay saaraayeen.
Sida ay sheegayaan ilaalada xeebaha howlgallada badbaadada ayaa socda, waxaana kuwa la badbaadiyay haatan loo qaaday Talyaaniga.
Ugu yaraan  1,750 qof ayaa  dhintay sannadka iyaaga oo isku dayaya inay ka gudbaan  badda  Mediterranean, taasi ayaa ku noqonaysa labaatan lab tiradii  ku dhimatay sannadkii  2014 oo ay dhinteen 96 qof.
Howlgalkan u danbeeyay ayaa la sheegayaa inuu yahay howlgal badbaado kii ugu weynaa ee noociisa ah sannadka.
Tahriibayaal hor leh ayaa la filayaa in ay badda soo galaan iyaga oo ka faa’idaysanaya jawiga oo wanaagsan.
 
 

Leave a Reply