Sacudi Arabiya oo lagu Eedeeyay inay Adeegsatay Bamamka sii laba Qarxa

0
394

Isbahaysiga Sucuudigu hoggaaminayo ee duulaanka cirka ah ku haya Yaman ayaa la sheegayaa bamamka laba qarxa oo Maraykanku siiyay, kuwaasi oo mamnuuc ka ah dunida inteeda badan, sidaasna waxa sheegay urur xuquuqal insaan.
Ururka Human Rights Watch (HRW) ayaa sheegay in ay hayaan caddaymo muujinaya in tiraba laba jeer loo adeegsaday bamamkaasi fallaagada Xuutiyiinta.  Haseyeeshee lama  sheegin wax khasaare ah oo ay geysteen.
Bamamka sii laba qarxa .
(Cluster bombs)  ayaa ugu  sii firdha iyaga oo ah bamam yaryar dhul aad u ballaadhan, islamarkaana ay kaga  sii hadhi karaan dhulka waxyaabo aan weli qarxin.
Waxaa lagu saxeexay mamnucidoodu heshiis ay wada gaadheen 116 dal, balse Sucuudi Carabiya kama mid ahayn.
Maraykanka iyo dalalka kale ee isbahaysiga milateri la leh Sucuudiga ayaan midkoodna saxeexin heshiiskaasi oo qalinka lagu duugay 2008.

Leave a Reply