Baabuurka Badhasaabka Hawd Oo Bil Iyo Dheeraad Bacadyaal Ku Ah Magaaladda Hargeysa

0
357

Hargeysa (Dawan)- Baabuur  Lancruiser ah oo cusub oo dawladda Somaliland leedahay ayaa ku daxalaysanaya  meel  la dhigay bil ka hor, waxaanu gaadhigaasi u cimri deg-degayaa daryeel la’aan.
Baabuurkan oo  lambarkiisu yahay GT-1548, waa Gaadhiga Badhasaabka  Gobolka Hawd Ibraahim  Cali Xasan, waxaanu gaadhigan  dhigay bilowgii bishii April ee la soo dhaafay  xarunta ay ku wada jiraan Madbacadda qaranka iyo Wargeyska DAWAN soddemeeye maalmood ka hor, ma jirto cid ka hoos kaxaystay Geedkii  la hoos dhigay, mana jirto wax shiraaq ah oo lagu deday midna.
“Baabuurkani waa hanti  qaran, waa baabuur cusub  waxase qayrkii ka reebaysa darayo iyo darxumo, waxa uu yaallaa bil iyo jar jar halkan, ma jrto cid u timaadaa,”ayuu yidhi mid ka mid ah hawl-wadeenadda ka shaqeeya xaruntan baabuurka dawladda lagu iloobay.
Hawl-wadeenadda xarunta madbacadda qaranka iyo wargeyska DAWAN, ayaa sheegay inay la yaabeen xiliga uu Badhasaabku u shaqo tago gobolka uu madaxweynaha Somaliland uga wakiilka ahaa maadaama oo uu muddo badan ku sugnaa Hargeysa.
“Lama aanu yaabin oo kaliya Baabuurka ee waxaanu la yaabnay xiliga iyo sidda uu u shaqeeyo Badhasaabka, inta aanu baabuurkiisa halkan ku arkayno waxay nala tahay inuu Hargeysa uun joogo,”ayuu yidhi nin kale oo shaqaale dawladeed oo goobay ahi, waxase uu sheegay inay indhihiisu qabteen laba maalmood   nin baabuurka istaadhaya oo haddana isaga oo aan dhaqaajin iska tagay inta uu bakhtiiyay.
 
Badhasaabka Gobolka Hawd Ibraahim Cali Xasan, oo aanu xalay isku daynay inaanu wax ka weydiinno dhacdadan, ayaanay noo suurto-gelin, ka dib markii uu naga qaban waayay Telefoonkiisa gacanta oo aanu dhawr jeer oo kala duwan garaacnay.
Waxa kale oo aanu la xidhiidhnay magaaladda Bali-gubadle ee xarunta gobolka Hawd, si aanu u ogaano halka uu ku sugan yahay Badhasaabku , hase yeeshee waxa  dad kala duwan oo aanu la xidhiidhnay ay noo sheegeen in aanu xalay badhasaabku ku sugnayn  magaaladda,  balse ay u tirinayaan inuu joogo caasimadda Hargeysa.
Si kastaba arrintu ha noqotee Baabuurkan dawladda ayaa u baahan in loo gurmado oo la istaadho dhawrkii subaxba maalin si aanay saliiduhu ugu fadhiisan. Dad badan ayaa aaminsan in baabuurta dawladdu ay ka duugow badan yihiin baabuurka gaarka loo leeyahay, maadaama oo dad badan oo aan xil kas ahayni ay hantida qaranku gacantooda ku dayacanto.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply