“Cidii Golaha Guurtidda ka Hor Timaada Ee Cambaaraysaa Somaliland Kama Mid Aha”

0
370

Hargeysa(Dawan):-Suldaanka guud ee Somaliland, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa Golaha Guurtida kula dardaarmay in ay waajibaadkooda u gutaan sida ugu wanaagsan ee qaranka dantiisu  ku jirto.
Suldaanku waxa kale oo uu digniin u diray cid kasta oo ka hor timaada qaraarka aqalka odayaashu ka soo saaraan  dib u dhaca doorashooyinka madaxtooyadda iyo wakiiladda ku yimid.
 
“Marka hore waxaan soo dhawaynayaa go’aanka guddiga doorashooyinku ku muddeeyay maalinta doorashooyinku ay dalka ka qabsoomayaan ee ay asxaabta qarankana isku  raaceen, laakiin waxaa weeye imika go’aanka kama dambaysta ah waxaa iska leh Golaha Guurtida waxaanan leeyahay si miyir qab ah aan uga war sugno go’aankaGuurtida,”ayuu yidhi Suldaan Maxamed SuldaanCabdiqaadir oo shalay shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Hargeysa.
 
 
Suldaanku waxa uu sheegay in cidii caaridda goo’aanka Golaha Guurtiddu aanay Somaliland ka mid ahay, waxaannu yidhi “Golaha Guurtidu, waa Gole dhaqameed. Waa Gole Qaran, waa golahaas uu maanta dalku ku dhisan yahay, ee dawladdu ku dhisan tahay, ee nabadgalyada nin waliba xorriyaddiisa ugu tax-taxaashayo, ee saqda dhexe dadku socdaan, iyadoo hantidoodu banaanada wadhan tahay ee aan cidna looga baqayn,markaa u dul qaadan mayno cid u hanjabta iyo cid cambaaraysa oo meelahaa ka hadasha  cidda  xummaantu deeqdaana innaga Somaliland innaga mid maaha  ee waa cid u yeedhaysa Xasan Sheekh  taasina wax soconaya maaha.”
Suldaan Maxamed oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi . “Golaha guurtida hal baan odhanayaa, waxba Shillimo yaanay idin la weynaane danta Umaddiina eega iyo danta maatidiina. Sidii la idiinku aaminay ee dhaarta noogu marteen ka run sheega.”
Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply