Boqor African ah Oo dadkiisa Yurb Ka Maamula

0
433

Wargeyska Al-Mujtamac ayaa daabacay in boqorka qabiilada Afrikaank ah ee Hoohoo oo tiradooda lagu qiyaasay 200 kun,  kuna dhaqan dalka Gaana uu wakhtigan ka maamulo dalka Jarmalka. Boqorka ayaa ah nin ka shaqaysta dalkaasi oo makaani ah. Boqorka oo lagu magacaabo Bansa ayay da’diisu tahay 66 sano, waxaana uu tegay dalka Jarmalka sanadkii 1970 , isagoo waxbarasho u tegay. Laakiin markii uu dhamasytay waxbarashadii ayuu guursaday gabadh Jarmal ah waxaana uu wakhtigaasi goostay inuu dhamayasto shaahadada masterka ee Injineernimada gaadiidka iyo qalabka beeraha.  Bansa ayaa qabiiladiisa u noqday boqor sanadkii 1987 ka dib markii uu awowgii ka geeriyooday jagadan. Aabihii iyo walaalkii oo nool ayaan jagadan loo  dhiibin ka dib markii ay noqdeen kuwo Guran oo bidixda isticmaala. Qabiiladan ayaa aaminsan inay bidixidu tahay nijaas iyo shar, sidaas awgeedna qofka guran aanu qabana karin talada iyo xilalka qabiilada.  Boqrka Bans ayaa markii loo magacaabay ilaa wakhtigan boqortinimada ka xukuma qalbaka isgaadhsiinta ee kala duwan isagoo mudooyinkan danbe adeegsada Skyp-ka. Waxaana uu aaminsan yahay in qabiiladiisa uu maamuli karo isagoo la jooga ama ka maqan labadaba, una samayn karo horumar.

Leave a Reply