China: Wiil 3 sano Curyaan U Xambaarayay Dugsiga

0
386

Wiil dhalinyaro ah oo Chines laguna magacaabo Sheing Teishi ayaa si kaalmo ah muddo saddex sano ah saaxiibkii oo curyaan ah dugsiga geynayay isagoo dhabarka ku sida. Sida lagu daabacay wargeyska Independent ee Ingriiska.
Wiilkan oo lagu naanayso kan ugu quruxda badan Chine ayaa mudadaasi aan maalin keliya safka kala maqnaan wiilkan curyaanka ah. Qisada labadan wiil ayaa soo jiidatay indhaha caalamka kuwaasi oo da’doodu kala ahayd 18 sano iyo 19 sano.
Maamule ku xigeenka dugisga sare Sushor oo ay dhiganayeen wiilashani ayaa sheegay in saaxiibtinimada ka dhaxaysa labada wiil ay ku noqotay dadka mid saamayn weyn ku yeelata. Maamulaha dugsiga ayaa isna sheegay in wiilashani aanay ka maqnaanin maalin keliya dugsiga, isla markaana wiilka kaalmada bixinayay uu yahay kan ugu qurux badan dugsiga. Waxay raad ku yeelatay aradaydii kale oo iyagu kaalmeeyay saaxibadood curyaamiinta ah.
Warbixin ay qaramada midoobay soo saartay ayay ku sheegtay inay dalkaasi ku nool yihiin 243 kun oo arday oo curaayimiin ah kuwaasi oo aan tegin dugsiyada ka dib markii ay waayeen saaxiib Sheihng oo kale ah.

Leave a Reply