Boqolaal Yaziidiyiin ah oo lagu Dilay Ciraaq

0
370

Saraakiisha Ciraaq waxay sheegeen in mintidiinta Khilaafada Islaamiga ay dileen boqolaal qof oo ay ka soo qabteen qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Yaziidiyiinta, ee waqooyiga waddankaasi.
Madaxweyne ku xigeenka Ciraaq, Cusaama al-Nujiifi ayaa cambaareeyey dilka oo uu ku tilmaamay mid naxdin leh oo waxashnimo ah.
Ilo wareedyo laga helayo Yaziidiyiinta waxay sheegayaan in ilaa 300 oo qof lagu dilay degmo galbeedka kaga beegan magaalada Mosul Jimcihii.
Iyadoo xoogagga Khilaafada Islaamiga ay cagta mariyeen waqooyiga Ciraaq muddo laga joogo ku dhawaad sannad ka hor, ayey dileen oo ganactana ku dhigeen dadka Yaziidiyiinta, iyagoo dumar bandanna la sheegay inay  ku khasbeen addoonsi dhanka galmada ah.
 

Leave a Reply