Ciidanka Israa'iil oo lagu Eedeeyey Xadgudbyo

0
447

Hay’ad u dooda xuquuqda aadanaha oo la yidhaahdo  ‘Breaking the Silence’ ayaa sheegaysa in ay maclumaad ay ka uruurisay ku dhowaad lixdan Askeri ay ku ogaatay in ciidamada Israa’iil aanay u hoggaansamin xeerka dagaalka intii uu socday dagaalkii Israa’iil ay ku qaaday Qaza sanadkii tagay.
Hay’adda ayaa mudo 8 bilood ah waxay cadeymo ka uruurinaysay askartii ka qeyb qaatay dagaalka  Israa’iil waxayna ku eedenaysaa Miletariga Israa’iil in uu xoojinayey hanaanka ah in la toogto qof walba iyadoo aanan la tixgelin cidda uu yahay.
Waxay sheegaysaa hay’adda in arrintan ay sababtay dhimashada boqolaal falastiniyiin shacab ah dagaalkii 50-ka maalmood socday oo ay Israa’iil ku qaaday Qaza.
Mid ka mid ah askarta ka qeyb qaatay dagaalka ayaa hay’adda u sheegay in lagu amray in ay toogtaan cid kasta oo ay ugu tagaan Qaza. “Waxa naloo sheegay i in halkaas ay tahay halis, haddii aanan arkin qof lulaya mara cad ama gacmaha kor u taagayana waa in aan toogano,”ayuu yidhi.
Mid kale oo ka mid ahaa qeybta farsamada ayaa hay’adda u sheegay in markii uu dagaalka bilawdayba loo sheegay in ay toogtaan oo ay dilaan, taasi oo micnaheedu yahay  in hoggaanka ciidanka Israa’iil uu u arkayey in Qaza aanay ku noolayn dad shacab ah.
Dhinaca kale Colonel Peter Lerner oo ah afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegaya in kooxdani Breaking the silence ay ay diiday in ay la wadaagto Israa’iil maclumaadka ay uruurisay
Dagaalkii dhax maray ciidamada Israa’iil iyo maleeshiyadda Qaza waxa ku dhintay ugu yaraan 2, 189 qof oo ku dhowaad 1500 oo ka mid ay ahayeen dad shacab ah sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.
 
 

Leave a Reply