Hargaysa (Dawan): Maamulka gobolka Maroodi Jeex ayaa ugu baaqay dadweynaha ku dhaqan guud ahaanba gobolkaasi in ay si weyn ugu diyaar garoobaan xuska maalinta qaranimadda Somaliland ee 18 May ee fooda inagu soo haysa.
Badhasaab ku xigeenka gobolka Maroodi Jeex Rashiid Axmed Maxamed, oo shalay kulan la yeeshay guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka iyo cuqaasha gobolka Maroodi Jeex ayaa dhinacyadaasi waxa uu kala hadleen sidii ay dhinacooda qayb weyn uga qaadan lahaayeen xuska 18 May, isla markaana ay si nabadgelyo ah ugu qabsoomi lahayd.
Rashiid Axmed Maxamed, guddoomiye ku xigeenka gobolka Maroodi Jeex oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa u soo jeediyay guddoomiyeyaasha degmoyinka gobolka inay si weyn u xusaan munaasibadda 18 May, isagoo tilmaamay in ay tahay maalintii dhidibada loo taagay Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanu yidhi “Munaasibaddan aynu iskugu nimid waxa ay daaran tahay xuska 18 May oo ah maalintii aynu la soo noqonay xoriyadeenii fool halawday oo aynu xusno 18 bisha May sannad kasta, ayaynu maantana u diyaar garoobaynaa haddii ay heer qaran tahay iyo haddii ay heer gobol tahay iyo haddii ay heer degmo tahay iyo guud ahaanba umadda Somaliland ee qurbaha iyo kuwa gudaha wadanka ku nool waxay ku jiraan diyaar garowga xuska 18 May”.
Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka gobolka Maroodi Jeex ayaa u soo jeediyay dadweynaha ku dhaqan gobolka inay u diyaar garoobaan xuska maalinta 18 May. “Haddii aad guddoomiyeyaasha degmooyinka tihiin iyo cuqaashii gobolka Maroodi Jeex, waxa aanu idin faraynaa in aydun u diyaar garowdaan xuska 18 May, nabadgelyadana ka shaqaysaan. waxa aan leeyahay umadda ku nool gobolka Maroodi Jeex haday odayaal tahay, dhallinyaro, culimada, haween iyo haday tahay ururada bulshadda waa in aynu u diyaar garownaa xuska 18 May” ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka maroodijeex.
Dhinaca kale guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Maroodi Jeex iyo cuqaashii kulankaasi ka qayb galay oo iyagna halkaasi hadalo ka jeediyay ayaa waxay balanqaadeen inay xil iska saari doonaan sida ugu haboon ee ay u xusi lahaayeen xuska 18 May, isla markaana ay ka shaqayn doonaan sidii ay si nabadgelyo ah ay ugu qabsoomi lahayd xuska 18 May.
By: Khaar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office