“Siilaanyo Dadkiisa Geed Hoostiina u Seexay, Ninkii Sharciyadda Jiidhayaana Isagay u Taallaa”

0
403

Hargaysa (Dawan): Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac),  ayaa sheegay in aan cidna laga aqbali doonin inay ku tumato sharciga dalka u yaalla, isla markaana ay Golaha Guurtidu awood u leeyihiin  in ay muddo kordhin u samayn karaan xukuumadda  taladda haysa.
Xildhibaan  Nacnac oo shalay u waramayay wargeyska Dawan,  ayaa   tilmaamay in madaxweyne Siilaanyo uu fuliyay wixii uu umadda u balanqaaday xiligii ololaha, isagoo dhinaca kalena   xusay in xisbiyadda mucaaradku ay  ku fashilmeen in au umadda u soo bandhigeen barnaamijkooda siyaasadeed.
“Waxaan leeyahay dalku sharci ayuu leeyahay sida dastuurku qorayana waxa uu sheegayaa in golaha Guurtidu awood u leeyahay in ay  Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka mudadda u kordhinayaan haddii  doorashadu qabsoomi waydo. Mana  doonayno haddii aanu Kulmiye nahay muddo kordhin,  waayo  waanu is-hubnaa in aanu ku guulaysanayno doorashadda.  Madaxweynuhuna  wax buu qabtay,  Guurtida ayaanay ku xidhan tahay muddo  kordhintu,  waxaanay  samaynayaan  (guurtidu) wixii dalka u dan ah” ayuu yidhi xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac).
 
 
 
Mudane Axmed Maxamed Diiriye  waxa kale oo  uu tilmaamay in ay axsaabta  mucaaridka ah   ku  kala baxayaan sharciga dalka u yaalla waxaana uu yidhi “Nimanka leh (mucaaridka) dawlad ku meel-gaadha ha la sameeyo waa niman sharciga jebinaya.   Waxaanu  sharcigu sheegayaa in la xidh-xidho  cidii waxaas ku dhawaaqda.  axsaabta mucaaradka ahna waxa  aan leeyahay sharciga dalka u yaalla ayaa ina kala saaraya,  oo aynu ku kala baxaynaa. Laakiin wixii sharci darro ah  ma yeelayno,  cirka soo gujiya  ayaan  leeyahay,  bal guurtidu marka ay wax samayso ninkii wax sameeya waa la arki doonaa,   Cida  uu wax ku sameeyo.  Waxaan  leeyahay  waxba dhici maayaan,  weliba  nimanka  Madasha wadatshiga la yidhaahdo dalka buuqa ka daaya ayaan leeyahay”.
 
 
Sidoo kale Xildhibaanku waxa uu sheegay in madaxweyne Siilaanyo fuliyay wixii uu umadda u balanqaaday xwakhtigii uu ololihii doorashadda madaxweynenimo ku jiray, “Madaxweyne  Siilaanyo wuxuu balanqaaday ayuu qabtay,  waxaanan  la  yaabaa dadka leh xukuumaddu waxba may qaban,    mucaaradkuna waa  in uu toosiyaa  xukuumadda.   Laakiin  ayaanay odhan waxba lama qaban, waxbana ma hayaan mucaaradku oo barnaamijba ma laha.  Waxaanan   filayaa doorashadda  soo  socota  in  boqolkiiba  toddobaatan Kulmiye helayo, waayo madaxweynuhu wuu u soo dagaalamay dalka oo geed buu u soo seexday inuu kaga tagayo  dalka ictiraaf.  intuu ictiraafka  keenayana  wuu u shaqaynayaa,  umaddiisana  wuu  u  sharaxan yahay doorashadda” ayuu yidhi Axmed Maxamed Diiriye.
 
Dhinaca kale xildhibaan Nac-nac ayaa ku eedeeyay beesha caalamka in aanay Somaliland waxba u qaban, isla markaana aanay xukumin Somaliland. Waxaanu yidhi  “Beesha caalamku nama xukumaan hana ictiraafaan  markaasaanu wada hadli doonaa, waxaynu ku haysanaa beesha caalamka cashuurta dadka laga qaado ayuu dalku ku socdaaye, waxaan leeyahay beesha caalamka aynu kala ceeb la’aano.”
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply