Wakiiladda Oo Ansixiyay Xeerarka Maamulka Hawadda Iyo Tayada Agabka

0
460

Hargeysa (Dawan):- Golaha Wakiilladda Somaliland ayaa fadhi ay yeesheen oo uu shir-gudoominaayay Gudoomiye ku-xigeenka kowaaad ee golahaas Md. Baashe Maxamed Faarax,  waxay ku ansixiyeen laba xeer oo aad ugu muhiim ah maamulka  hawada Somaliland iyo mid ay ku shaqayn doonto hay’adda dhawrista tayada agabka.
Fadhigan oo ay ka soo xaadireen 55 xildhibaan oo ka mid ah 82-ka xildhibaan ee uu golaha Wakiiladdu ka kooban yahay, ayaa labada xeer mid mid cod loogu qaaday. Xeerka duulista hawada ayaa waxa ogolaaday 48 xildhibaan, waxa diiday 2 xildhibaan, waxa ka aamusay 4 xildhibaan, gudoomiyuhuna muu codayn. Sidaana waxaa ku ansaxay xeerka duulista hawada.
Sidoo kale fadhigaas waxa golaha la horkeenay si loogu codeeyo xeerka dhawrista tayada agabka oo Golaha Guurtidu kaabsib iyo wax ka-bedel ku soo sameeyeen afar qoddob oo ka midah. Ansixinta xeerkaas waxa ogolaaday 42 xildhibaan, waxa diiday 8 xildhibaan, waxa ka aamusay 4 xildhibaan, gudoomiyuhuna muu codayn. Sidaana waxay ku ansaxayy xeerka dhawrista tayada..
Xeerarka ay Golaha Wakiiladu ansixiyeen ayaa ah qaar baahi weyn loo qabay wax badana ka taraya maamulka hawadda iyo  duulimaadyada garoomadda Somaliland  Sidoo kale xeerka dhawrida tayada agabka ayaa waxa uu wax weyn ka tarayaa sidii loo ogaan lahaa tayayada agabyada kala duwan ee Somaliland  soo gala, sida dawada iyo cuntada, maadaama oo aynu nahay qaran madax-banaan oo leh xeerarkiisa iyo shuruucdiisa u gaarka ah ah.
Labadan xeer ee kala ah xeerka duulista hawada iyo ka dhawrista tayada ayaa waxay si rasmi ah u dhaqan gali doonaan marka uu saxeexo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), si rasmi ahna loo faafiyo dhaqan galkooda.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply