Cashada Habeenkii Waqti Dambe La Cunaa Waxay Keeni Kartaa Kansarka Naasaha Oo Dumarka Ku Dhaca

0
698

Daraasad dhowaan la sameeyey ayaa lagu sheegay in cuntada oo ay dumarku habeenkii goor dambe cunaan,gaar ahaana cashadu ay keento inuu si fudud ugu dhaco Kansarka ku dhaca Naasku,waxaana daraasadan sameeyey jaamacadda lagu magcaabo American University of California.
Khubaradan ayaa sheegay cunitaanka cuntada ee subixii oo goor hore  la cuno iyo sidoo kale cashada oo iyadana goor hore la cuno,gaar ahaana 8:00 habeennimo ay keento khatarta xanuunkan Kansarka oo yaraata,iyada oo haddii la cuno hurdada ka hor waqti yar ay taasi keento in xadiga ee sonkortu kor u kaco,kadibna oo keeni karta inuu xanuunkaasi si fudud ugu soo boodi karo dumarka.
Daraasadan ayaa lagu saleeyey daraasado hore loo soo saaray ,kuwaas oo iyaga laftooduna sheegaayey in dumarka oo habeenkii xili dambe wax cuna ay kor u qaado xanuunka Kansarka  oo si fudud ugu dhaca.
Khubarada ku takhasustay xanuunkan Kansarka Naasaha ayaa inta badan dumarka kula taliya inay iska ilaaliyana cunitaanka hilibka cas,kuwaas oo ugu bedelay waxyaalaha laga helo Carbohaydrates ka ,sida bariiska iyo Roodhida.
Waxaanay kula taliyeen in markasta oo bishu dhamaato loo baahan yahay in baadhitaano la maro.
 

Leave a Reply