Ninkii Labaad Ee Faransiis Ah Ee Lagu Xidho Wadne Ardafiishal Ah Oo Dhintay

0
410

Siday sheegtay wakaalada wararka ee Rueters ,waxa geeryooday ninkii labaad ee muwaadin Faransiis ah ,kaas oo dhakhtar ku rakibay muddo sagaal bilood laga joogo. Ninkan ayaa markii hore ahaa mid uu shaqayn waayey wadnihiisu,gaar ahaana wareega dhiiga,waxaana ka horeeyey nin sidan oo kale loogu xidhay,kaas oo isna u geeryooday wadnahaasi  samayska ahaa ee lagu xidhay.
Ninkan ayaa ahaa da’ahaan 69 sanno jir,kaas oo cisbitaalka galay  bishii May ee sannadkii hore,waxaanu dhintay isla maalintii lagu xidhay maalinteedii oo ku beegnayd 2 bishan May.
Shirkadda lagu magcaabo Carmat Company oo ah shirkad ka shaqaysa dhinaca caafimaadka ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la joojiyo wadneyaasha Samayska ah ee lagu xidhaayo dadka,kuwaas oo sababaaya inuu qofkaasi dhinto,madaama oo uu dhiigu xinjir ahaan u dhex fadhiisanaayo.
Shirkaddan ayaa sidoo kalena soo saarta wadneyaashaasi samayska ah,iyada oo sheegtay inay joojinayso samaynta hawlahaasi,sidoo kalena ay joojinayso inay dadka ku rakibaan ama ku xidhaan.
Wadnihii ugu horeeyey ee dhakhaatiirta shirkaddani ku xidhaan qof oo ahaa mid samays ah ayaa hirgashay 18 December ee sannadkii 2013,waxaana lagu xidhay nin da’ahaan gaadhaayey 76 sanno,kaas oo muddo  75 maalmood guddohood ah ku geeryooday dalkaasi .
Wadneyaasha samayska ah ee shirkaddani ay samayso ayaa ah kuwo ay ugu talo gashay in qofku in muddo ah ku shaqeeyo,iyada oo garaaca uu samaynaayo lagu tilmaamay inuu yahay 230 million ,kaas oo ah marka nolosha caadiga ah loo eego shan sanno inta wadnuhu garaaco.
 
 

Leave a Reply