Dalka Turkiga Oo Laga Helay Durayga Shimbiraha

0
374

Ururka caalamka u qaabilsan caafimaadka Xayawaanka, ayaa sheegay inay heleen xanuunka durayga shimbiraha oo laga helay wadanka Turkiga markii ugu horeysa,waxa sidoo kale warkaasi xaqiijisay dawlada dalkaasi Turkiga,waxaana si toosa looga helay Fayraska loo yaqaano H-5 ilaa H1.
Waxaana laga helay gobolka waqooyiga dalkaasi oo lagu magcaabo Kastamonu,waxaanu noqonayaa xanuunkii ugu horeeyey ee laga helo dalkaasi muddo 7 sanno ah kadib.
Sidoo kale wasaaradda beeraha ee dalkaasi Turkiga ayaa iyaduna warbixin ay soo saartay oo lagu daabacay Website ka ay lee dahay hay’adaasi lagu sheegay inay dhinteen 35 digaag ah oo u dhintay xanuunkaasi,kaas oo ku faafay gobolkaasi ,waxaanay digaagani dhinteen laga soo bilaabo 23 bishii April.
Wasaaradda ayaa sheegtay inay 92 xero oo digaag ah meel isugu geysay si ay uga taxaderto xanuunkaasi.
 
 
 
 

Leave a Reply