Faraxalka Iyo Jimicsiga Oo La Ogaadey Inuu Yareeyo Caajiska

0
402

Sida lagu daabacay wargeyska lagu magcaabo Daily Mail,waxa la ogaaday in caajiska lagu daweyn karo iyada oo qofku cuntada ka hor si fiican u faraxasho,sidoo kalena lagaga hortegi karo jimicsi la sameeyo oo badan.
Khubaro caafimaad oo arrimahaasi qoraal ka sameeyey wargeyskaasina soo xigtay ayaa sheegay in loo baahan yahay in qofku ku faraxasho biyo diiran,kuwaas oo ka caawinaaya inay degto maskaxda qofkaasi,loona baahan yahay in qofku maalintiiba laba jeer faraxasho.
Sidoo kale khubaradani waxay soo jeediyeen in laysku dhaafiyo fikirka badan iyo waxyaalaha werwerka keena wax akhris badan oo la baro nafta,sidoo kale la dejiyo ,iyada oo laga ilaalinaayo waxyaalaha keenaaya inay maskaxdu kacdo.
Sidoo kale waxay khubaradani ku taliyeen in qofku qaadan karo cuntooyin u badan khudrad,kuwaas oo u fiican jidhka iyo maskaxdaba,waana qayb kamid ah bay yidhaahdeen habka maskaxda loo dejiyo.
Waxa kale oo ay sheegeen in habka ugu fudud ee qofku uga takhalusi karo caajisku ay tahay iyada oo waqtiga uu ku jiro shaqada uu iska saaro kabaha buudhka ah ,cagahana ka dhigo ku nefis ah,taas oo fududaynaysa dhiig wareega oo si fiican isugu furma dhamaan jidhkana gaadha.
 

Leave a Reply