Guddida Qaban-qaabada Xuska Munaasibada 18 May Oo Lagaga Dhawaaqay Ceerigaabo

0
365

Ceerigaabo (Dawan)  Guddoomiye ku xigeenka gobolka  Sanaag  Ismaaciil Cabdi Xasan, ayaa shalay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag kaga dhawaaqay guddida qabanqaabada munaasibada 18 May, kuwaas oo ka kooban 23 xubnood oo iskugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka  Sanaag.
Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sanaag Ismaaciil Cabdi Xasan ayaa guddidan faray inay si mug leh ugu diyaargaroobaan xuska 18 May, isaga oo arrimahaasi ka hadayana waxa uu yidhi “Maanta (shalay) waxaanu ku dhawaaqnay guddidii qabanqaabada 18 May 2015-ka, guddidaas oo ka kooban 23 xubnood, waxaanan ku rajoweynahay shaqadaas loo igmaday inay si mug leh uga soo baxaan.”
Mudane Ismaaciil Cabdi Xasan waxa kele oo uu intaa ku daray “waxaan farayaa dhamaan Degmooyinka gobolka Sanaag inay hawshaa si mug leh uga qayb qaataan oo maalintaasi waa mid qaran, Guddoomyihii gobolku isaga oo inaga maqan aynu ka sugayno wixii ay dawlada dhexe inoogu tallo gashay ee aynu hawshaa ku qaban lahayn. Wixii kalena inagu isku sii tashano oo hawshaa kaga qaybqaadano ayaan idiin rajaynayaa.” Ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sanaag.
Maayarka degmada Ceerigaabo  Ismaaciil X. Nuur ayaa isna bulshada Ceerigaabo ugu baaqay inay si balaadhan ugu diyaargaroobaan xuska maalinta 18 May, waxaanu yidhi  “Waxaan rajaynaynaa ururada bulshada, Wasaaradaha laamaha dawlada, dhamaan Degmooyinka gobolka, dhalinyarada, Haweenka, waxgaradka in qof waliba meeshiisa iska xil saaro oo arrintaana aynu ku tallo galno oo ILLAAHAY inagu guuleeyo.  Tartan gobol iyo mid Degmo ayaa jira, qolo waliba waxay is leedahay yaan lagaa badin, goboladuna sidaas oo kale wey tartamayaan.”
Sidoo kale Xildhibaan Maxamuud Warsame Jaamac oo ka tirsan mudanayaasha Golaha deegaanka Ceerigaabo ayaa shacabka ku dhaqan gobolka Sanaag ugu baaqay inay muujiyaan qiimaha ay 18 May ugu fadhido qaranimada iyo madaxbanaanida Somaliland waxaanu yidhi “Waxaan u sheegayaa shacabka reer Ceerigaabo hal ku dhiga sannadkani inuu yahay Dalkayga Somaliland doodi kama furna, kalmadaasi macnaha ay xambaarsan tahay inaga oo weynaynayna, balankeenuna waxa weeyaan maalintaa iyo wacdaraha aynu soo bandhigno,”
Xildhibaan Maxamuud Warsame waxa kale oo uu intaa ku daray “Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay oo imika ku sugan Caasimada dalka ee Hargeysa, wuxuu ingoogu maqan yahay oo aynu ka sugaynaa agabkii iyo qalabkii aynu ku weynayn lahayn xuska 18 May ee ay  qoodaysay guddia qabanqaabada heer qaran.”
Xildhibaan Cabdi Cabdillaahi Nuur ayaa isaguna halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi  “Munaasibada 18 May oo ah maalin ku weyn Somaliland, qof kasta oo Muwaadin ah oo reer Somaliland ah waxaanu faraynaa ganacsade ha ahaado ama Wasaaradaha dawlada, ama Ciidamada ha ahaadeen in loo diyaagaroobo xuska 18 May oo si mug leh looga qayb qaato, si aynu gobolada kale uga qaadno tartanka lagu tartamayo weynaynta munaasibada 18 May.”
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply