Wasiirka Biyaha Oo Kormeeray Ciidamada Qaranka Ee Gurmadka Nabadaynta ah u Jooga Taleex

0
608

Taleex (Dawan)- Wasiirka Wasaarada biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac iyo weftigii uu hogaaminayay oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa degmada Taleex ee gobolka Xaysimo, ayaa shalay kormeer ku sameeyay fadhiisimada Ciidamada qaranka Somaliland ee gurmadka nabada ku tagay Taleex iyo Ciidamadii hore ugu sugnaa jiidaas.
Wasiirka Biyaha  ayaa bogaadiyay Ciidanka qaranka ee nabadda u yimid degmada Taleex “Waxaad u timaadeen dadkiinii oo aad u soo gurmateen, waxay dadka reer Taleex dareemeen badankoodu ama waxgaradkoodu, lagama waayo Nin qalqaaliya ama ujeedo kale leh in cid kale oo u soo hiilisay ayay maanta waayeen, waxa u soo hiiliyay Dawlada Somaliland iyo Ciidankeeda qaranka, waxaanu idinku bogaadinaynaa sida xilkasnimada leh ee aad hawshiina u qabsateen, deegaankan Ciidanka waxaan amaan ahayn la idinkama sheegan. Waxaanu idinku mahadnaqaynaa nidaamkiina iyo sidaad u kala dambayntiinu ay aad u wanaagsan tahay in awaamiirta si wanaagsan u kala amar qaadataan, inaad nabadgelyada ka shaqaysaan iyo inaad garataan waxa is laynayaa inuu yahay dadkiinii.” Ayuu yidhi Wasiirka biyuhu.
Taliyaha aaga bariga Ciidanka qaranka Somaliland Gaashaanle sare Cali Barre Xuseen ayaa Wasiirka warbixin ka siiyay xaalada Ciidanka ku sugan Taleex, waxaanu yidhi  “Ciidankan oo ah kuwii u soo gurmaday shaqaaqadii Taleex ka dhacday, gurmadka oo keliya maaha waa Ciidan ku amran wax kasta oo uu amar u helo.  Waa Ciidan u diyaarsan inuu xaqiijiyo hadafka iyo ujeedada dalku leeyahay iyo jirtaanka iyo dhawrida shuruucda dalka.”
Guddoomiyaha gobolka Xaysimo Cabdirashiid  Maxamed Axmed ayaa Ciidanka qaranka uga mahad celiyay gurmadka ay ka galeen shaqaaqadii ka dhacday Taleex, waxaanu yidhi  “Waxaan idiinka mahadcelinaynaa dadaalka aad samayseen ee aad ugu gurmateen dadkiina dhibaatadu haysato, runtiina aad joojiseen dhiigii daadanayay. Waanu idiinka mahadcelinayaa.”
Sidoo kale Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu ku faraxsanahay in aanu aragno Ciidankii qaranka Somaliland oo jooga Taleex, isaga oo leh laba ujeedo oo ujeedada koowaad ee uu halkan u yimid ay tahay dhibaato ka dhacday deegaankan aynu joogno in Ciidanka qaranku wax ka qabto, maadaama oo uu yahay ka heeganka u ah danaha Ummadda Somaliland. Qodobkaa waad ku guulsateen INSHA ALLAH waxaanu rajaynaynaa inay dhamaato.”
Dhinaca kale Wasiirka iyo weftigan uu hogaaminayo waxay kormeer ku tageen qalcada taariikhiga ah ee ku taala degmada Taleex, waxaana warbixin ka siiyay Guddoomiyaha gobolka Xaysimo oo sheegay in qalcadaasi ay tahay mid taariikhi ah.
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply