Maalintii ugu dambaysay ee Ololaha Doorashada Britain

0
353

Hogaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadda ee Britain ayaa samaynaya isku daygii ugu dambeeyay ee ay ku doonayaan in ay ku kasbadaan codbixiyeyaasha iyada oo lagu jiro maalintii u dambaysay ee ololaha doorashada dalkaasi.
Rai’sal wasaaraha Britain David Cameron ayaa ballanqaadaya in Britain uu cagta u saari doono wadadii mustaqbalka wanaagsan.
Hoggaamiyaha xisbaga labarka Ed Miliband, ayaa isna ballanqaaday in haddii la doorto uu soo dhisi doono dowlad mudnaanta koowaad siisa dadka shaqeeya.
Hoggaamiyaha xisbiga Liberal Democrats Nick Glegg ayaa dhinaciisa sheegaya in uu soo celin doono xasilooni iyo anshaxa ama sharafta.
Ra’yi uruurinta la sameeyey ilaa iyo iminka waxa ay muujinaysaa in aanu jiri doonin xisbi si toos ah ugu gulaysan doono doorashada, taasi oo micnaheedu yahay in loo baahan doono axsaab sameysata is bahaysi doorashada kaddib.
Weriyaha BBC-da ee arrimaha siyaasada James Landale ayaa sheegaya in shirkadaha sameeye ra’yi uruurinta, siyaasiyiinta iyo warbaahintuba ay la halgamayaan sidii tafaasiil ama ay fasiraad uga bixin lahayeen qaabka laga yaabo in ay u dhacdo doorashada, waxa uuna intaasi raacinayaa in intooda badan ay haatan diirada saarayaan waxa dhici doona natiijada doorashada kaddib.
Arrimaha ugu waaweyn ee la isku hayo waxa ka mid ah dhaqaalaha, caafimaadka, soo galootiga iyo waxbarashada.
 
 
 
 

Leave a Reply