20 Daqiiqo Oo Aad lugayso waa caafimaadka Maalinta

0
463

Daraasad laga sameeyay dalka Ingriiska  (Jaamacadda Cambridge) ayaa cadaysay in haddii qofku uu maalintii socodo qiyaas dhan 20 daqiiqo ay taasi  siinayso caafimaad buuxa.
Darasaadda ayaa sheegtay in socodku dawo ka yahay xanuunada wadnaha, burooyinka kansarka ah, iyo weliba geeridda degdeg ah. Cilmi baadhayaasha ayaa sheegay inay baadhayaan xidhiidhka ka dhexeeya geerida degdega ah iyo nashaadka jidhka. Socodka dhakhsaha ah ee 20-ka daqiiqo ayaa hoos u dhiga geeridaasi inta u dhaxaysay  16-30%.  Sida lagu daabacay wargeyska Ruushka ah ee Rusiiska dad gaadhaya 334 kun  oo dalalka Yurub ah ay dhamaantood muujiyeen nashaadka iyo socodka qofku uu caafimaad badan u keeno. Daraasadan  ayaa socotay 12 sanno.

Leave a Reply