Wasaaradda Deegaanka Oo Daboolka Ka Qaaday In Ay Goboladda Ka Samaynayaan Xarumo Lagu Xanaaneeyo Duur-joogta

0
343

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga, Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa ka warbixisay waxqabadka wasaaradaasi  mudadda shanta sanadood ah ee ay taladda dalka haysay xukuumadda madaxweyne  Siilaanyo.
 
Sidoo kale, wasiir Shugri waxay faahfaahin ka bixisay waxyaabaha  u  qorshaysan wasaaradda deegaanku ee ay doonayaan  inay hirgeliyaan  mustaqbalka dhaw iyo qorshaha fog.
 
Marwo Shugri Baandare, waxay sidaasi ku sheegtay waraysi ay shalay xafiiskeeda kula yeesheen weriyeyaal ka kala  socday qaybaha wasaaradda warfaafinta  ee  TV-ga, Idaacadda Radio Hargaysa iyo  wargeyska DAWAN. Waxaana Wasiirka shir saxaafadeedkaasi ku wehelinayay wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga.
 
 
Iyadoo  ay shalay si rasmi ah u bilaabeen warbaahinta dawladu  baahinta barnaamij ku saabsan in mas’uuliyiinta   wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee  dawladu ay ka warbixiyaan waxyaabaha u qabsoomay iyo waxyaabaha u qorshaysan inay hirgeliyaan.
 
barnaamijkaasi oo sida la qorsheeyay  ay si  maalinle ah u baahin doonaan qaybaha kala duwan ee warbaahinta dawladu inta ka horaysa xuska munaasibadda  18 May, kaasi oo qayb ka ah dabaal-dega 24-guradda ka soo wareegtay gooni-isku taaga Somaliland.
 
Wasiirka deegaanka oo ka warbixinaysay  waxyaabaha ugu muhiimsan ee u qabsoomay waxa ay tidhi “Wasaaradda  deegaanka iyo horumarinta reer miyigu  heer kala duwan ayay soo martay,  laakiin maanta waa mid u soo jeeda wixii loo igmaday oo ah ilaalinta deegaanka iyo horumarinta reer miyiga.  wax badan ayaana iska bedelay  intii xukuumadani gacanta ku haysay siiba intii aan imid anigu,  waxaanan  isku tacalujiyay in aanu ogaano waxa qabyadda ah iyo waxa  u hirgalay.
 
Markaa  wixii qabyadda ahaa ayaan isku tacalujinay in aan wax ka qabano,  taasi  oo ay ugu horayso in  xaalufkan soconaya ee dhirta la gubayo sidii loo joojin lahaa.  Waxaa se taala wixii lagu bedelayay  oo anaga oo keliya maahee,   hoos imanaysa dhawr wasaaradood oo aanu isku xidhanahay.
 
Taasi ayaanan aad u  dar-dargelinay  sidii aanu wasaaradaha wada shaqayntu  naga dhaxayso mid waliba halkii ay kaga haboonayd ayaan dardar gelinay,  waxaananu  xoog saarnay,  wixii lagu bedeli  lahaa dhuxusha.  Waxaananu  ku wargelinay  ganacsatadda keena wixii lagu bedeli  lahaa dhirtan la gubayo.
 
Waxaanu    ka hawlgalnay  xukuumad ahaan in wixii lagu bedelayo  dhuxusha ee tamar ah  cashuurta laga daayo, taana waan ku guulaysanay.  waxaanay taasi ku tusaysaa in ay naga go’an tahay  ka xukuumad ahaan in is-bedelkaasi uu  dhaco.
 
 
Waxa kale oo ay wasiirku   sheegtay in ay marar badan bulshadda u   soo bandhigeen qiimaha deegaanka iyo khayraadka dabiicigu leeyahay. “Waxa kale oo aanu samaynay in aanu xooga saarno,  oo aanu gudbino qiimaha deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ahi  leeyahay, haddii ay baaba’aan inay  adag tahay sida looga soo kabtaa.  Haddii se la isku dayo in la soo kabto,  oo halkaas  khasaaraheeda lagu joojiyo dhuxusha,  oo wax  midho dhala ay noqdaan”.
 
 
Dhinaca kale Wasiir ku xigeenka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Axmed Maxamed Nuur,  ayaa isna waxa uu ka warbixiyay waxyaabaha ugu muhiimsan ee u hirgalay, waxaanu  sheegay  in  madaxweyne Siilaanyo  uu gacan ka gaystay sidii ay  wasaaradda deegaanka   ula shaqayn lahaayeen  hay’aduhu si ay hesho dhaqaale ay wax kaga qabato dhibaatooyinka kala duwan ee deegaanka  haysta.
 
 
 
waxaanu yidhi “Madaxweynuhu  gacan weyn  ayuu ka gaystay sidii wasaaradda  loo soo kicin lahaa, waxaanu  soo saaray Digrootooyin uu ku kaabayo wasaaradda,  oo uu  ku  soo xidhayo hay’adaha si ay ula shaqeeyaan.  waayo  deegaanku waxa uu ka mid yahay tiirarka nolosha.
 
Tallaabooyinka  u qorshaysan wasaaradda waxa ka mid ah  in  goboladda dalka oo dhan dhismayaal ayaa ka socda, waxa kale oo noo  qorshaysan in xayawaankii duurjoogta ah sidii loo ururin lahaa,  oo waxa jirta  duurjoog  ku xaraysan meelo aan munaasib ku ahayn,  oo gacanta ay iskaga haystaan dad gaar ahi.  Waxaana  laga  sameeyay lixda gobol xarumo waaweyn, waxaana dalka yimid  oo aanu kulamo  la yeelanay  nin  Talyaani  ah,  oo  sameeyay meesha ugu weyn ee Tansania ee lagu daawaddo xayawaanka,  haddii aanu goboladda xarumo uga samayno xayawaanka waxa inaga soo gelaya dakhli faro badan”.
 
 
 
Sidoo kale agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka   Maxamed Cilmi Xuseen,  ayaa isna ka warbixiyay  xarumo shaqeeya oo   wasaaraddu  ku leedahay goboladda dalka.  waxaanu tilmaamay in sanadka 2016 ay u qorshaysan tahay sidii loo baa’biin lahaa dhulka la iska Ootay.
 
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu  yidhi  “Wasaaraddu lixda gobol xarumo ayay ku leedahay waxana gacanta lagu hayaa  oo la dhisayaa,  waxna  way dhisan yihiin, wasaaradda sanadkan waxa u qorshaysan la dagaalanka xaalufka iyo xidhashadda seeraha ee dadku iska xidhaan.
 
 
Mashruucan waxa nagala shaqaynaya World Bank, SDF iyo hay’addo kale way nagala shaqaynayaan, waxaanan qabnaa in mustaqbalka dhaw aynu heli doono mashaariic wax ka tari doona deegaanka ayaanu qabnaa.
By: Khadar M.Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply