Somaliland Iyo Itoobiya Oo ka Wada Hadlay Xaaladda Mandaqada Iyo Iskaashiga labada Dal

0
339

Addis Ababa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis oo u weheliyo Safiirka Somaliland u fadhiya Addis Ababa, ayaa kulan la yeeshay Wasiir-dawlaha wasaaradda  khaarajiga dalka Itoobiya Ambassador Berhane.
Sida lagu sheegay war-saxafadeed uu ku saxeexnaa  Safiirka Somaliland ee dalka Itoobiya Ayaanle Salaad Diiriye oo shalay ka soo baxay xafiiska safaaradda ayaa lagu faahfaahiyay nuxurka wada-hadalka kulankaas ay wada yeesheen labada masuul.
War-saxaafaddeedkaasina waxa uu u qornaa sidan:- “Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga caalamiga ee Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo beryahanba hawlo shaqo u joogay, magaalo madaxda dalka Itoobiya ee Addis-Ababa, ayaa maanta (shalay) xafiiskiisa kulan balaadhan kula qaatay  wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda dalka Itoobiya Amb. Berhane, guud ahaan  labada masuul  waxay ka wada-hadleen xaaladda gobolka Geeska Afrika, xaaladda Yemen  iyo gaar ahaan xidhiidhka dhinacyada badan ee taarikhiga ah,  walaaltinimo ee ka dhexeeya labada waddan, Somaliland iyo Itoobiya  iyo sidii loo sii xoojin lahaa wax wada qabsiga  iyo walaaltinimada labada shacab,
Kulankan oo qaatay saacad badh, waxa wasiirka arrimaha dibadda  ee Somaliland ku wehelinayay, wakiilka Somaliland ee Addis-Ababa, Mudane Ayaanle Salaad Diiriye, iyadoo wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda Itoobiya uu wehelinayay Ambassador Soloman, Agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha dibadda, ee Afrika, iyo xubno  kale oo wasaaradda arrimaha dibadda ka tirsan. Ugu dambayn kulankani wuxuu ku soo gabagaboobay guul iyo is af-garad.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply