Garyaqaanka Guud oo Sheegay In Khaladaad Ku Jiray faafin ay Sameeyeen

0
657

Hargeysa (Dawan)- Garyaqaanka Guud ee Qaranka Ibraahim Iidle Saleebaan, ayaa sheegay in khaladaad madbici ahi ku jireen cadadkii 12-aad ee faafinta rasmiga ah  ee xeerarka dalka ee ay baahiyeen sanadkii hore, taasi oo ay hadda dib u saxayaan.
Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal uu shalay soo saaray Garyaqaanka guud oo u dhignaa sidan:-
Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranku waxa uu u iftiiminayaa dhammaan bulshada Somaliland, iyo bahda Saxaafadda in Faafinta rasmiga ah ee Qaranka cadadkii 12aad ee soo baxay sanadkii 2014-ka, uu ku jiray khalad dhinaca daabacadda ah, gaar ahaan; Wax ka bedelka xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, (Xeer No: 37/2007).
 
Khaladaadkaasi oo xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranku uu ku baraarugay, horena u qaaday talaabooyinkii lagu sixi lahaa oo ay ka mid tahay in nuqulka bishan soo baxaya ee Faafinta Rasmiga ah ee Qaranka dib loogu baahiyey sixidda qaladkaas madbaciga ah.”
 
Daroorashooyinka Isa Saarka ah Waayo-arragnimo Uma Lihin Ee Aan kala Saarno
By : Cabdi Maxamed Saleebaan   (Mingiste)
Sida aynu la wada socono waxaa  beryahan dambe  howshooda lagu mashquulsan yahay ,sidii ay dalka ugu qabsoomi lahaayeen Doorashada Madaxweynaha iyo  tii Golaha Wakiilada.Waynu isku wada raacsan nahay in ay labada Doorashaba  aanay ku qabsoomayn xilligii u qoondeysnaa ee ahaa sanadkan aynu ku jirno ee 20015.
Haddaba si muranka iyo culayska Doorashooyinku ay  dalka iyo dadkaba uga  yaraato ,waxaan u soo jeedin lahaa  Golaha Guurtida,Guddiga Doorashooyinka iyo Xukuumadaba,in la kala qaado Doorashada Madaxweynaha iyo Doorashada Golaha Wakiikalada,tan Golaha Wakiiladana la soo hormariyo maadaama iyagu ay toban sanno ku dhowaad muddo dhaaf yihiin.
In labada Doorasho  mar la wada qabto waxay keeni kartaa  culays badan, farsamo xumo badan,iyo murano  ka duwan kuwii  hore  innoo soo mari jiray.
Waxyaba ka dhalan kara labad Doorasho ee isa saaran(Madaxweynaha iyo tan Wakiilada waxaa ka mid ah :-

  1. Guddiga Doorashooyinku shaqada way ku cusub yihiin , wax waayo aragnimo ahna uma laha guud ahaanba  arrimaha Doorashooyinka.
  2. Waxaa qurux badan in labada Doorasho la kala qaado,oo tan Golaha Wakiilada la soo horeysiiyo,sababtoo ah  Xildhibaanku wuxuu qayb weyn ka  yahay,guusha  Xisbiga iyo ta Musharaxa Madaxweyanahaba.
  3. Doorashada  soo socotaa waa laba Doorasho oo isi saraan,way ka culays,shaqo howl badan yihiin Doorashooyin kii hore dalka ugu qabsoomi jiray.
  4. Waxaa loo baahan yahay in loo sameeyo,Xeerar ka duwan  kuwii Doorashooyinkii hore.
  5. Shacabka Reer Somaliland iyo Musharaxiinta tartamaysa midkoodna  waayo aragnimo buuxda uma laha laba  Doorasho oo mar la wada qabanayo.
  6. Waxaa loo baahan yahay in Shacabka Somaliland loo diyaariyo habka labada Doorasho ee mar la wada qabanayo  sida, Xeerarka Doorashooyinka,wacyi gelinta habka  laba Doorasho ee mar la wada qabanayo IWM.

 
Gabo-gabadii   anigu waxaan qabaa, in Doorashooyinka  muddo 2 sanadood ah dib loo dhigo, si loo dhamaystiro  amase loo xaliyo arrimaha aan kor ku soo sheegay. Haddii aan aad loogu howl gelin,waqti fiicanna aan helin dhameystirka howlaha  labad Doorasho ee mar wada qabsoomayaa,waxaa ka dhalan kara muran iyo buuq aynaan hore waayo arag ugu ahayn.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply