Wasaaradda Daakhiliga Oo Ka Warbixsay Qaabka Ay U Socoto Diwaan-galinta Madanigu

0
413

Hargaysa (Dawan) – Agaasimaha Guud ee wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cabdisamad Cumar Maal ayaa ka hadlay halka ay marayso hawsha diwaan-galinta madaniga ah, gobolada ay ka hirgashay ee laga soo gaba-gabeeyay iyo goobaha ay wali ka socoto.
Agaasimahha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Mudane Cabdisamad Cumar Maal, waxa kale oo uu sheegay in hawsha diwaangelinta ee  magaalooyinka Berbera, Hargaysa iyo Gabilay ay gabaabsi ku dhawdahay,  gobolka Sool-na  ay dhawaan ka bilaabi doonaan.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Cabdisamad Cumar Maal ayaa caddeeeyay in shaqaalaha diwaangalinta madaniga ah aan la siin mushaharkii ay ku shaqaynayeen, laguna rejo wayn yahay in si dhakhso ah loo siiyo “Diwaangalintu waxa ay noo maraysaa meel wanaagsan, gobollada qaarkood waa bilaw, kuwa kalena waa gaba-gabo, gobolka Sool weli kamaamu bilaabin, gobolada ay dhamaadka ku dhawdahay haddaan ku horeeyo waa Gabiilay, Hargaysa iyo Berbera, Shaqaalaha badankooda waanu soo koobnay shaqadana waxaanu ku wareejinaa sida Gabilay iyo Berbera, Meelaha qaarkoodna wali way socotaa, waxaanuna qorsheynaynaa inaanu u baxno degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Awdal.”
Mudane Cabdisamad Cumar Maal waxa kale oo uu intaa ku daray “Gobolka Oodwayne isna waxaanu  u qorshaynay  lix Gobood oo diwaa galinta laga gali Doono, Burco isna waxaanu qorshaynayn 16 Gobood iyo Buuhoodle oo 3 gobood Ah, Markaas Xaaladda guud ee diwaan galintu Sidaas weeyaan, Soolna hadda ayaanu shirkadihii u gudbinay oo Hawsheeda ayaanu ku jirnaa, Laascanoodna iyo Caynba iyagana imtixaankii ayaanu ka qaadnay shaqaalaha diwaan galinta gali lahaa”.
Cabdisamad Cumar Maal, Agaasimaha Arimaha gudaha ayaa ka waramay shaqaalaha diwaan galinta oo aan laba Bilood Mushahar  qaadan “Mushaharku runtii waxa uu maraa Habab kala gadisan, Mararka qaarkoodna hore ayay u soo baxdaa, tan iyo maalintii aanu bilawnay Shaqaalaha mushaharkood waanu siin Jirnay, wax cabasho ah oo ka jirtay ma jirto, iyaga oo jooga goobaha miyiga ah ayaanu lacagtooda siin jirnay, Waliba goobtooda ayaanu ku siin jirnay, anaga oo raacayna nidaamkan Zaadka, Markaas waxa laga yabaa inuu mar-mar habsan ku yara yimaaddo, markaas sida ugu dhakhsaha badan ayaan u siinaynaa wax cabasho ah oo taasina ka taagani ma jirto, waayo shaqaalahu waa shaqaalahayagii”.
By. Cabdi M. Safwaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply