Golaha Guurtidda Oo Maanta Go’aan Ka Gaadhaya Muddo Kordhinta Xukuumadda Iyo Wakiiladda

0
383

Hargaysa (DAWAN):- Guddigii Golaha Guurtida   Somaliland u xil saartay   ka soo tallo-bixinta muddo kordhin loo sameeyo  xukuumadda  iyo Golaha Wakiiladda  ayaa la filayaa inay warbixintooda horgeeyaan  aqalka odayaasha oo isla maantaba lagu wado inay ansixiyaan go’aan rasmi ah oo ay ka qaataan muddo kordhinta xukuumadda iyo wakiiladda.
Gudidan loo xilsaaray ka soo tallo-bixinta muddo kordhinta, oo ka kooban 29 xubnood ayaa waxaa   lagu magacaabay fadhi   25-kii bishii hore  uu yeeshay aqalka odayaashu. Waxaanay Guddigu maalmihii la soo dhaafay kulamo ra’yi ururin ah la yeesheen saddexda xisbi qaran iyo Komishanka doorashooyinka qaranka oo iyagu si rasmi ah hore shaaca uga qaaday in aanay doorashooyinkii Madaxtooyadda iyo wakiiladdu ku qabsoomaynin xiligii loogu tallo-galay oo ahaa 26-ka Bisha June ee fooda innagu soo haysa, waxaanay sheegeen inay doorashooyinka ku qaban karaan muddo sannad ah oo ku siman 1-da bisha June 2016-ka.
Go’aanka muddo kordhinta waxa lagu salayn doonaa in lagu jaan-gooyo sidii wakhti ku filan loo siin lahaa Komishanka si ay u qabtaan doorashooyinka isa saarka ah oo culays dhaqaale iyo farsamo ku keeni kara dalka.
Golaha Guurtidu markay dhegaystaan warbixinta iyo tallada Guddigii ay mawduucan u saareen, waxa suurto-gal ah in dood kooban ka dib cod la geliyo in la meel mariyo muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda iyo wakiiladda. Inkasta oo aan si dhab ah loo saadaalin Karin dullucda warbixinta Guddigani horgeynayaan Golaha, hase yeeshee waxa ilo looga qaateen ahi soo tabiyeen inay u badan tahay sannad iyo badh illaa laba sanno in loo kordhiyo muddo xileedka  Xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda.
Warku waxa uu intaasi ku darayaa in labada xisbi mucaarid la sheegay inay ogol yihiin in sannad iyo badh loo kordhiyo xukuumadda iyo Wakiiladda, inkasta oo aanu jirin war rasmi ah oo loo daliishan  karo jiritaanka tibaaxdaas.
Komishanka doorashooyinka ayaa hore u soo jeediyay in doorashadda madaxtooyadda iyo ta  golaha Wakiilada oo la qorsheeyay in ay  isku mar   dalka ka dhacaan ay ku qaban karaan badhtamaha  sannadka 2016, taasi oo macnaheedu yahay in loo baahan yahay muddo kordhin hal sanno ah.
Qorshaha  mucaaridku kaga soo horjeedaan muddo kordhinta ayaa ah dhawaaqyo baadil ah oo aan ku fadhiyin sharciyad iyadoo Qoddobka 83-aad ee dastuurka  Somaliland si cad u bayaamiyay in aqalka odayaashu ay muddo kordhin u samayn karaan Goleyaasha qaranka haddii doorashooyinku ku qabsoomi waayaan xiligii loogu tallo-galay.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply