WADDANI Oo Soo Abaabulay Cuqaal ka soo Jeeda Galbeedka Burco Oo Cambaarayay Guurtidda

0
375

Burco (Dawan)-Cuqaal iyo wax-garad ka soo jeeda beesha galbeedka Burco oo  ay isku ardaa  yihiin Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI  C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) ayaa si qaawan oo dadka kala fogeynaysa u weeraray Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan.
Cuqaashan iyo waxgaradkan oo shalay ka hadlay magaalada Burco oo uu soo abaabulay xisbiga WADDANI  oo u soo laqimay inay ka naqdiyaan awooda dastuuriga ah ee Golaha Guurtida u leeyahay inay muddo kordhin u sameeyaan xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda ka dib markii ay doorashooyinkii lagu waday inay dalka ka qabsoomaan 26-June ee sannadkan ay dib u dhaceen. Odayaashaasi waxay si gaar ah ugu buuxeen oo ay carrabka ula dhacayeen Guddoomiyaha Guurtidda.
 
Caaqil Baashe C/laahi Cashuur oo ugu horayna halkaa ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay Saleebaanoow dadka wax kale ha ugu darin. Guddoomiyaha Guurtidu  markii uu ka soo dagay  madaarka Hargeysa, waxa uu ku salaamay Somaliland Guurtiyeey dhagaha furayso, hadalkaa Saleebaan waxa uu u eg yahay kii maalintii uu yidhi daaqadaha xidha laba saacadood.”
 
“Waxaan ku leeyahay Saleebaanoow ninku haddii uu qandaraas qaato haddii uu ku khasaaro, ka kale wuu ka fikiraa, waxaan soo jeedinayaa inay  Guurtidu ka baxdo hawlaha doorashooyinka,”ayuu ku tiraabay Oday Dayr oo ka mid ahaa odayaashii shirka jaraa’id qabtay.
 
Caaqil Axmed Maxamed Cabdi ayaa isaguna iska eedeeyay Guddoomiyaha Guurtidda, waxaanu yidhi  “Guurtiddu waxa ay leedahay kordhinta iyo wax-qabadka Saleebaan-na talladiisa waa la arkay, waxaanan leeyahay dalku yuu ku eedin, mar horena talladaada waa la arkay.”
Geesta kalena xisbiga WADDANI ayaa 48-kii saacadood ee la soo dhaafay ku hawlanaa abaabulka banana bax aan sharci ahayn oo ay doonayaan in laga dhigo qaar ka mid ah magaalooyinka dalka, iyadoo ciidamadda ammaankuna il-gaar ah ku hayeen dhaqdhaqaaqyadda xaalad abuurka ah ee Guddoomiyaha xisbiga WADDANI qorshaynayay.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply