Maayarka Berbera Oo Eryay 36 Shaqaale ah oo ka Hawl-geli Jiray Dawladda Hoose

0
478

Berbera(DAWAN)-Maayarka degmada Berbera ayaa dhawaan shaqadii ka caydhiyey ku dhawaad 36 shaqaale ah oo muddo  badan ka shaqeynayey dawlada hoose ee magaalo xeebeedda Berbera,  sida ay sheegan qaar ka tirsan shaqaalaha  laga eryay dawladda Hoose.
“Anigoo ka mid ahaa shaqaalaha dowlada hoose muddo 20  sanno ah  ka shaqeynayay , waxa  shaqadeydii l la igaga eryayayna aan garaynin, , Anigoo xaaslay balaadhan .  markii aan u tagay Maayarka oo aan gaadhsiiyay cabshadeyda ku  wajahan eriga  waxa uu iigu jawaabay  wax xuquuq ah oo aan kuu hayaa ma jirtee cirka soo guji. Marka ay arrintu sidaas tahay waxaannu codsanaynaa in dawladdu naga qabato  oo haddii nala eryay xuquuqdayadii nalaga siiyo,”ayuu yidhi Maxamed Ibraahim Iidle oo u warramay shabakad la yidhaahdo Madheera News  oo aanu warkan ka soo xiganay.
 
Mr.Maxamed Ibraahim waxa uu  ku baaqay in Wasaaradda Daakhiligu wax ka qabto  tallaabadan Maayarka Berbera ku kacay, waxaannu yidhi  “Waxaan baaq u diraynaa in cabashadayada wax ka qabtaan  Wasiirka Arrimaha Gudaha  iyo Gudoomiyaha Ha’yadda shaqaalaha dowlada Somaliland, waxaanan masuuliyiintaas u sheegaynaa in nala eryay wax xuquuq ahna aan nala siinin.Waxaan sidoo kale xildhibaanada Golaha Degaanka Berbera u soo jeedinayaa iyagana illayn waa xildhibaanadii aanu soo dooranaye inay wax ka qabtaan ninkan  qaabka khaldan ku shaqaynaya.”
 
Sidoo kalena waxa iyaguna cambaareeyay sifaha loo eryay qaar ka mid ah shaqaalaha laga eryay dawladda hoose ee Berbera oo sheegay inay ka xun yihiin qaabka uu  Maayarku shaqada uga saaray.
Geesta kalena, Maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan oo aanu xalay isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurto-gelin  inaanu Telefoonka gacanta ku helno.
By: Yoonis M.Jaamac
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply