Xukuumadda Somaliland Oo Dhambaal Hambalyo ah u Dirtay David Cameron Oo Mar Labaad Loo Doortay Raysal Wasaaraha Ingiriiska

0
400

Addis Ababa (Dawan):-Xukuumadda Somaliland ayaa dhambaal hambalyo ah u dirtay Raysal wasaaraha dalka Britain David Cameron, oo dib loo soo doortay markii labaad ka dib markii uu guul taariikhiya xisbigiisa muxaafidka ah  ee  Conservative-ku ka soo hooyay doorashooyinkii guud ee dalkaasi ka dhacay khamiistii toddobaadkii hore.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland  Maxamed Biixi Yoonis, oo xalay khadka Telefoonka ugu waramay DAWAN, isagoo ku sugan magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo uu hawlo shaqo u joogo, ayaa   sheegay   inay ku bogaadinayaan Raysal Wasaare Cameroon iyo xisbigiisaba guusha ay ka soo hooyeen doorashadii guud ee Ingiriiska ka dhacday.
 
“Waanu ku Hambalyaynaynaa Raysal-wasaaraha iyo xisbigiisaba guusha ay ka gaadheen doorashadaasi, waxaanay ahayd mid xisbiyo badani ku tartameen hase yeeshee xisbiga Conservative-ka  ayaa ku guulaystay. Aad iyo aad ayaannu  ugu hambalyaynaynaa,” Ayuu yidhi Wasiir  Maxamed Biixi.
 
Wasiirka oo aanu waydiinay in doorashada ka dhacday Britain iyo  dawlada cusub ee la filayo in Mr. Cameroon uu  soo dhiso inay wax is-bedel ah ku keeni karto  xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo UK, ayaa ku gaabsaday in aanay  ka hordhacaynin arrintaasi, hase yeeshee waxa keliya ee hada laga hadli  karaa ay tahay in  ay ku  hambalyaynayaan guusha xisbigaasi hantiyay.
 
 
“Doorashadaasi waxay ahayd mid si fiican u dhacday,  oo aynu wax badan ka baran karno, innaga iyo wadamada kale ee Afrikaanka ahiba, .  waxaanay tusaale fiican u tahay nidaamka dimuqraadiyadda iyo hanaanka isku tanaasulka, waana cashar iyo tusaale u baahan in lagu daydo,”Ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu.
 
Geesta kalena, Wasiirka Horumarinta Dhaqaalaha iyo Lacagta ee Itoobiya, Mudane Axmed  Suufiyaan, iyo Wasiir dawlahiisa, Mudane Axmed Shide, ayaa  shalay xafiiskiisa Addis-ababa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis iyo danjiraha Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya Md. Ayaanle Salaad Diiriye.
Kulankaas waxay labada dawladood  diiradda ku saareen arrimaha Dhaqaalaha iyo Maalgashiga ee labada dal.Waxay labadda dhinac kaga wada hadleen mashruucii  “Horumarinta Berbera” iyo sida waxa ka dhiman loo dhamaystiri lahaa. Mudane Axmed Suufiyaan oo ka hadlayey mawqifka Itoobiya ee ku wajahan mashruuca Berbera corridor ayaa yidhi “Itoobiya waxa ka go’an in ay si balaadhan u isticmaasho dekadda berbera.”
Sidoo kale, Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Mudane Maxamed Biixi Yoonis, ayaa isaguna dhankiisa ku dhiiri-geliyey dawladda Itoobiya,in ay Somaliland diyaar u tahay in Itoobiya si balaadhan u isticmaasho dekadda Berbera. waxa kale oo uu Wasiirku balan-qaaday in Somaliland dhankeeda diyaar u tahay inay dardar geliso heshiisyadii labada dal kala saxeexdeen wixii kaga aadan.
Sidoo kale Wasiirul  dawlaha horumarinta dhaqaalaha iyo lacagta Itoobiya, Mudane Axmed Shide, ayaa isaguna kulankaas ka sheegay inay dawladda Itoobiya dirtay laba Kooxood oo kala socday  Wakaaladda Tamarta iyo Laydhka Itoobiya, si ay u soo qiimeeyaan “Laydhka ku baxaya magaalooyinka Waaweyn ee Somaliland.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply