Xeerka Nidaamka Xukumadda Oo Markii Labaad Loo Qaybiyay Golaha Wakiilada

0
455

Hargeysa (Dawan): Mudaneyaasha  golaha  Wakiilada  Somaliland ayaa markii labaad loo qaabiyay xeerka nidaamka xukumadda, kaas oo si faah-faahsan u qeexayanidaamka iyo sida ay u wadashaqaynayaan waaxyaha dawladu sida fulinta, hay’adaha  madaxabaanaan, shirkadaha dawladu leedahay iyo wakaaladaha ay dawladu maamusho.
Fadhigii shalay ee golahaasi  ay yeesheen oo uu shirgudoominaayay gudoomiye ku-xigeenka koowaad   Md. Baashe Maxamed Faarax, ayay xildhibaanaddu dood iyo falanqayn kaga yeesheen   Xeerkan oo ay xukumadu soo curisay waxa uu ka kooban yahay 10 cutub oo u sii kala baxaya 142 qodob, iyadoo   golaha wakiilada loo soo gudbiyay sannadkii 2014kii.
.
 
Furitaankii fadhigaasi ayaa shir-gudoonka goluhu  waxa uu  xildhibaanadda  ka codsaday in ay xeerkan si fiican uga soo baaraan degaan,  una soo akhriyaan.  maadaama oo uu yahay xeer aad u muhiin ah in badana golaha wakiilada horyaalay.
 
 
“Xildhibaanada waxaan ka codnaynaa in ay xeerkan ku soo akhriyaan mudo kooban, maadaama oo fasaxii goluhu soo dhawyahay. Marka la soo akhriyo ka dib waxa bilaabmi doonta dooddiisa,” ayuu yidhi   Baashe Maxamed Faarax, oo la hadlayay mudaneyaashii fadhigaasi joogay.
 
 
Xeerkan ayaa waxa golaha wakiilada dib ugu soo celisay guddi hoosaadka joogtada ee golaha wakiilada, waxaanay sheegeen in ay la tashiyo badan xeerkan kala yeesheen cidkasta oo xeerkan danaynaysay.
 
Sidoo kale guddidu waxay soo jeediyeen in xeerkaa la si fiican looga baaraan dego maadaama oo uu yahay xeer aad ugu muhiin ah qaranak, lagana yeesho dood. Guddida joogtadu joogtadu waxay xeerkan soo raaciyeen lifaaq talo bixin ah oo ay sheegeen inay ku saleeyeen la tashiyadii ay la yeesheen dad aqoon u leh xagga shuruucda.
 
 
Xeerkan oo ah mid aad u muhiim ah ayaa waxa la filayaa in xildhibaanada golaha wakiiladu bilaabaan ka doodidiisa, si cod logu qaado ansixintiisa. Xeerkan oo ah mid baahi wayn loo qabaa mudo badana horyaalay golaha wakiilada ayaa waxa uu si rasmi ah u dhaqan gali doonaa marka ay cod ku meel mariyaan labada gole ee wakiilada iyo guutida madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) saxeexo.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply