Maxay Sababa Gaajadda Habeenkii?

0
680

Daraasad ay dhowaan sameeyeen koox khubaro ah ayaa lagu ogaaday in habeenkii oo xiliyada dambe la gaajoodo ay sababto daciifnimo maskaxda ka timaada ,taas oo ah inay maskaxdu bixiso amaro keenaaya in qofku gaajoodo xiligaasi .
Trevz Masterson oo ah mid kamid ah khubarada daraasadan samaysay ayaa sharaxday  waxyaalihii uga soo baxay daraasadan ,waxaanay tidhi “caadiyan waxaynu cunaa habeenkii cunto badan,waayo ma dareeno dhadhanka cuntadaasi,waxa kale oo ay u muuqataa inuu oomateedkeenu yar yahay habeenkii,waana taas sababta aynu wax badan u cunaa,laakiin hadhow ayaynu hadana gaajoogaa,taasna waxa keena amaro khaldan oo ay maskaxdeenu bixiso”.
Masterson ayaa sheegay inay isaga iyo kooxdiisu gebo gebadii gaadheen muddo ay daraasadan wadeen,iyaga oo tijaabooyin ku sameeyey maskaxaha dad boqolaal gaadhaaya,taas oo ay arkeen cuntooyinka kala duwan ee ay cunaan subixii iyo habeenkii iyo siday u kala cunaan intaba.
Waxa uu sheegay in subixii ay dadkaasi cuni jireen cunto yar oo iska fudud halka ay maalintiina ay cuni jireen cunto badan,laakin ay habeenkii ka badsan jireen labada gelin ee kaleba,taas oo ay sababto gaajo ka timaada shaqooyinka maalintii iyo gelinta ka dambe.
Waxyaalaha ay arkeen ayuu sheegay inay ahaayeen kuwo aad uga duwan waxay rajaynayeen,taas oo ah in maskaxdu amaro ka badan kana duwan kuwa maalintii iyo subixii ay bixiso habeenkii,kuwaas oo keena inuu qofku gaajoodo,una baahdo cunto badan,gaar ahaana waqtiyada dambe ee habeenkii.
Waxyaalaha kasoo baxay daraasadan ayaa noqday kuwo ka yaabiyey saynisyahanadii wadey daraasadan ,iyaga oo rajaynaayey in cuntada habeenkii ay tahay mid oomateedkeedu badan yahay,waxa sidoo kale arrintan la yaabay Masterson oo sheegay inuu u haystay in dadka habeenkii saqda dhexe kaca ee wax cunaa yihiin kuwo ku raaxaysta cuntadaasi oo sariirta ku noqda ,si ay dhereg u dareemaan,laakin aanay sidaasi ahayn.
 

Leave a Reply