Dirxi Noociisu Cusub Yahay Oo Markii Ugu Horeysay Thailand Lagu Arkay

0
443

Waxa dhowaan wadanka Thailand lagu arkay noole cusub oo aan hore loo arag,kaas oo ahaa dirxi aan weli la arag ayna tahay markii ugu horeysay ee la arko,noolahan dirxiga ah ayaa u dhaqmaaya dabeecad ahaan sida caaradda oo kale ,kaas oo jidhkiisa kasoo saaraaya xuub uu ku qabsanaayo hadba halka uu joogo.
Dirxigan ayuu helay nin u dhashay dalkaasi Thailand oo kasoo saaray biyo dhexdood,waxaanu u gudbiyey saynisyahanada dalkaasi si ay baadhitaano ugu sameeyaan,waxaanay ku sameeyeen baadhitaano,iyaga oo khubarada saynisyahanada ahi sheegay in xayawaankani yahay mid Madaxa kasoo saaraaya xuubkaasi kala duwan ee uu ku dhaqaaqaayo kuna qabsanaayo meelaha uu u baahdo,isaga oo sidoo kalena ku dabaalanaaya xuubkaasi.
Sida lagu qoray Wargeyska kasoo baxa dalkaasi ,gaar ahaana kuwa Sayniska ka hadla ,waxa uu xayawaankani fududayn karaa in laga qaato Saambal ah in la sameeyo waxyaalo cusub oo isaga laga soo dheegtay,gaar ahaana qalabka kala duwan ee la adeegsado.
Xawayaankan ayaa noqday mid aad usoo jiitay caalamka ,gaar ahaana wadanka laga helay ee Thailand,iyada oo ay khubaro Maraykank ahi dalkaasi u yimaadeen si ay baadhitaan ula sameeyaan khubarada reer Thailand.
 

Leave a Reply