Boqolaal Muslimiinta Rohingya oo la Badbaadiyay

0
385

Waqooyiga Indonosea waxaa laga soo badbaadiyay ku dhawaad 500 oo qof oo ka mid ah Muslimiinta Rohingya ee dalka Myanmar oo saarnaa doon.
Doontaasi oo waday haween iyo caruur badan, waxa ayna ku xayirantay biyaha deegaanka Aceh, markii  la soo badbaadiyay.
Wadanka Myanmar oo loo yaqaano Burma waxa uu diiday in uu muwaadiniin u aqoonsado qabaa’ilka Rohingya, boqolaal kun ayaana isaga carary cadaadiska saarnaa sanadihii u dambeeyay.
Meesha ugu badan ee ay dadkaasi ku baxsanayeen waxa ay ahayd hawdka u dhaxeeya xadka ay la wadaagaan Thailand, laakiin qaar kale oo badana waxa ay mareen dhanka badaha.
Madaxa waaxda badbaadada  ee deegaanka Aceh, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay axadii in ay qaylo dhaanta ka heleen kaluumaysato, kuwaas oo sheegay in ay arkeen doon ay dhibaato haysato.
Waxa uu sheegay in ay soo badbaadiyeen in 469 qof oo ah Rohingya ka yimid Myanmar iyo Bangaladheeshiyiin, ilaa haddana ay dhamaantood badqabaan.
Rohingya oo Muslimiin ah ayaa sanado badan isaga cararayay dagaalada diimo ku salaysan.
Bishii 12 ee sanadkii hore Qaramada Midoobay waxa ay meelmarisay qaraar Myanmar ugu baaqaya in ay dhalasho muwaadinimo ah siiso qabaailka Rohingya, kuwaas oo badankood laga dhigay dad aan dal lahayn.
 

Leave a Reply