“Mudaharaadka Ay WADDANI I Soo Waydiisteen, waan U Diiday Maadaama oo Aanay Balan-qaadin In Wixii ka Dhasha ay Masuul ka Yihiin” Wasiirka Daakhiliga

0
433

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka arrimaha Guddaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa sheegay in Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI uu masuul ka noqon doono dhibaatada ka timaada Muddaharaadka uu ku baaqay, waxaannu tilmaamay in arrrintaasi ay ka hor imanayso nabadgeylada dalka.
Wasiir Warancadde oo shalay Xafiiskiisa Shir jaraa’id ku qabtay waxa kale oo uu Xisbiga tallada haya ee KULMIYE ku amaanay inay dul-qaad muujin jireen iyaga oo tixgelinaya danta Ummadda xiligii muddo  xilkeedka loo kordhin jiray Xukuumaddii UDUB, islamarkaana aanay qoonsimaad ahi ka soo yeedhi jirin.
“Xisbiga WADDANI waxay i soo weydiiyeen Muddaharaad, Muddaharaadkaasi markaan Dastuurka eegay xaq waxaanu u leenahay wax allaale iyo wixii keenaya dhibaato ee nabadgelyada dalka wax yeelaya, mar haddii aanay warqadooda ku soo qorin wixii halkaa ka yimaada annagaa ka masuul ah, waxaan leeyahay maanta aniga tixraacaya ama cuskanaya Xeerka  amniga ee Lr 2012, qodobkiisa 10-aad farqadiisa 3-aad ee ka hadlaysa nabadgelyada iyo Xeerarka Dastuurku ii ogolaysiiyay in wax kasta aan ka horaysiiyo nabadgelyada qaranka,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu.
 
Waxaannu intaas ku daray  “Mudaharaadkaas waa la diiday lamana dhigi karo annaga oo ka eegayna dhinaca nabadgelyada guddaheenna iyo dhibaatooyinka hareeraheenna ka socda oo dhibaatada ka timaada mudaharaadka ay keeni karaan falal aanan jeclayn inaan halkan ka sheego oo hareeraheenna ka socdaa inay sabab u noqoto. Mucaaridka doonaya inay mudaharaad dhigaan waxaan leeyahay waxa idiin banaan Telefishanada ka hadla, haddii aad doonaysaan caytama, ka gar sheegta, ka hadla, gar dhigta laakiin wax dalka kharibi kara oo aan u arko dhibaatooyinka ka soo socda xuduudaheena qaarkood  iyo inay xidhiidh yeelan karaan kuwa maanta halkan laga wadaa oo dalkan lagu khal-khal gelin karayo, waxaan leeyahay aniga oo eegaya walaalayaal dadkiina u tudha oo ka jooga dhibaato idinkana idin saamaysa, Ummaddiinana wax yeelaysa Shacabkana waxaan leeyahay ha laga digtoonaado, nabad iyo wax wada jir bay wax ku nahaye.”
Cali Warancadde waxa uu sheegay in Muddaharaadada ay ka dhashaan dhibaatooyin saamayn ku yeeshay bulshada, waxaannu yidhi  “Maxaynu ka dhaxalnay Muddaharaadadii hore ee la sameeyay?, waxaynu ka dhaxalnay Agoomo, waxaynu ka dhaxalay Goblan, waxaynu ka dhaxalay Caruur lagu soo tabcayay oo 25 jir ah oo Jaamacaddaha ka baxay oo aynu ku wayno, waxaynu ka dhaxalay dhibaato waxaan u mahad-naqayaa xisbiga KULMIYE wakhtigii aan ka mid ahaa dawladii UDUB waxaan xusuustaa, wakhtigiibaa suurtogeli waayay waanu kordhisanay haye bay yidhaahdeen, haddana wey suurtogeli weyday mar labaad baanu kordhisanay  haye bay yidhaahdeen, haddana mar saddexaad baanu ku celinay haye bay yidhaahdeen, 80 cod baanu kaga helnay anigu  garan maayo inay 80-kaa ka yarayde haye bay yidhaahdeen. Waar kuwan maanta deg-degayaa xagay ku socdaan?, bal waxaad eegtaan faraqa u dhexeeya Ninka maanta ku hadlaya iyo kii shalay intaas oo jeer aanu Faraska u fuulanay ee mar walba annaga hor dhaqaaqay isaga oo eegaya danta Ummaddiisa , Su’aashaasu shacabka  ayay u taallaa.”
 
Sidoo kale Md.  Cali Maxamed Warancadde oo la weydiiyay inay jiraan siyaasiyiin danno gaar ah leh oo  carqaladaynaya nabadgelyada dalka, waxa uu ku jawaabay “Maaha WADDANI oo keliya, waa  Raga abaabulaya dhibaatadda, waa raga abaabulaya  xumaanta, waa raraga aabulaya in shacabka Somaliland oo dhami iska horyimaado, waa raga abaabulaya in dawlada iyo shacabkeedu isku dhaco, waxaanan leeyahay Dayaxa iyo Dugsigu isku toosanaa, waxyaabaha laga soo abaabulayo Koonfur iyo meelo kale oo badan oo caalamka ah iyo waxa laga abaabulayo guddaheenna dhaxdiisa, waxa ka dhexeeya ayaan is weydiinayaa?, waanay soo bixi doontaa. Doorashadu dib bay u dhici jirtay farsamo ahaan, waana la kordhin jiray cidina iskumay dili jiran, cidina may odhan jirin waa la yaabi ta ka dhacda, waxa soo kordhay dad leh waa la yaabi doonaa waxa ka dhaca, Muddaharaadkaana wixii ka yimaada waxa masuul ka noqonaya  cidii ku baaqaday.”
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply