Xisbiga WADDANI Ku Baaqay Mudaharaad Farriin Loogu Dirayo Wefti Talyaani ah Oo Imanaya Dalka

0
392

Hargeysa (Dawan):- Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa beeshiisa oo ah cida ugu badan ee taageersan ugu baaqay inay magaalooyinka dalka ka sameeyaan mudaharaado sharci darro ah iyo falal nabadgelyo darro ah oo uu ku booriyay inay ka dhiidhiyaan   wax uu ku tilmaamay muddo kordhin Golaha Guurtidu  u samayso Golaha Wakiiladda iyo Xukuumadda, maadaama oo ay dib u dhac ku yimid doorashooyinkii lagu waday inay dalka ka qabsoomaan 26-ka Bisha June ee fooda innagu soo haysa.
 
 
Sidaana waxa lagu sheegay shir jaraa’id oo hoggaanka sare ee xisbiga Waddani shalay ku qabtay magaalada Hargeysa, kaasoo ay masuuliyiinta Waddani si rasmi ah ugu   sheegeen mudaharaadka ay ku baaqeen in taageerayaashoodu ka sameeyaan gobolada dalka oo dhan.
Mudaharaadkan sharci-darrada ah ee uu hogaanka xisbiga Waddani  ku baaqay  in taageerayaashiisu maanta sameeyaan ayaa waxa lagu beegay  wefti ka socda dawlada Talyaaniga oo ka mid ah dawladaha  aan jeclayn madaxbanaanida Somaliland ee  sida weyn ugu ololeeya midnimadii Soomaali weyn ee bur-burtay, kuwaasoo  uu sida la sheegay   Xisbiga Waddani doonayo inuu Somaliland u tuso inay tahay meel aan deganayn oo ay ka jiraan qalalaase iyo rabshado la mid ah kuwa  ka jira dalka Soomaaliya ee dagaalada wajiyada badani halakeeyeen.  Taasina waa arrin khiyaamo qaran ah oo cadaynaysa haddii ay dhacdo inaanay Xisbiga Waddani  iyo hogaamiyeyaashiisu aaminsanayn Somaliland iyo qadiyada madaxbanaanideedaba.
Mudaharaadkan ayaa waxa go’aamiyay Guddiga qarsoon ee mus-dambeedka u ah xisbiga WADDANI oo ay xubno ka yihiin siyaasiyiin iyo Ganaccsato ka soo jeeda beesha Guddoomiye Cirro, kuwaasi oo iyagu leh awooda kama dambaysta ah ee lagaga go’aan qaato socod siinta hawlaha maalinlaha ah ee xisbigaas iyo qorsheyaasha mustaqbalkaba.
Sidoo kale waxa guddigan awooda badani ay Guddoomiye Cirro ku aj-bureen (khasbeen) inuu ka noqdo heshiiskii saddexda xisbi qaran ay isku waafaqeen inay la hortagaan aqalka odayaasha, oo sheegayay in  xukuumadda iyo wakiiladda loo kordhiyo muddo sannad iyo afar bilood ah. Arrintaasi oo ahayd fikir markii hore ka yimid xisbiga WADDANI isla markaana ay la qaateen xisbiyadda KULMIYE iyo UCID.
Guddiga Mus-dambeedku waxay saacidihii u dambeeyay ee habeen hore ay shir aan caadi ahayn oo ay iskugu yimaadeen ay Guddoomiye Cirro  ku war-geliyeen inuu ka noqdo go’aanka uu la qaatay Hoggaamiyeyaasha axsaabta qaranka, waxaanay ku doodeen in heshiiskaasi uu galay uu yahay mid iskaga saamayn taban ku yeelanaya isla markaana aanay wax dan ahi ugu jirin xisbigiisa.
Sabtidii todobaadkan waxa Guddoomiyaha WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uu tagay xafiiska midowga Yurub ku leeyihiin Hargeysa, oo uu  u bandhigay warbixin been abuur ah oo uu sumcadda dalka ku dhaawacayo, waxaanu  u sheegay in Golaha Guurtidda iyo xukuumaddu ay isku kaashanayaan burburinta nidaamka dimuqraadiyadda Somaliland. Hase yeeshee waxa xafiiskaas ka masaxay arragtidii xaqiiqada ka fogayd Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo u sharaxay heshiiskii saddexda xisbi qaran wada gaadheen iyo sidii xisbiga WADDANI uu uga baxay fikirkii uu soo jeediyay.
Dhaqdhaqaaqyadda xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI waxay muddooyinkan dambe noqdeen qaar qaranimadda Somaliland lagu dagaalamayo ka dib markii uu bishii hore Guddoomiyaha WADDANI kulan qarsoodi ah Turkiga kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana uu dawladda Finland oo uu dhalasho ka haysto ka dalbaday inay ku taageeraan dhaqaale uu ku galo doorashadda Somaliland, isagoo u balan-qaaday haddii uu ku guulaysto mansabka Madaxweynenimo ee uu tartamayo uu markaas ka dib dalka ku dhaqi doono inuu jamhuuriyadda Somaliland ka dhigo maamul goboleed hoos taga dawladda Fedaraalka Soomaaliya.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply