Muuse Biixi Iyo Cirro Oo Si Adag Isugu Jawaabay Madal ay ka Wada Qeyb-galeen

0
437

Hargeysa(Dawan):- Guddoomiyeyaasha Xisbiyada KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),ayaa weedho siyaasadeed oo kulul isku waydaarsaday madal  ay kaga wada qayb galeen munaasibad xaflad furitaan  loogu sameeyay Xafiiska Teleshinka Star ka furanayay Hargeysa oo shalay  lagu qabtay magaalada Hargeysa.
Guddoomiyaha Xisbi Xaakimka Somaliland ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa uga digay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI in ay ku kacaan falal nabad gelyo darro oo dalka khal-khal galin kara kuwaasoo uu sheegay in aan loo dul -qaadan doonin cid kasta oo ku kacda iskuna dayda in ay nabad gelyada qaranku ku dhisan yahay in ay wax yeelayso.
“Guddoomiye Cabdiraxmaan waxaan leeyahay nabad ayaanu doonaynaa  WADDANI-na kama yeelayno in uu nabadda waxyeelo oo caruurtayada iskuulka nabadda ku tegaysa laga qash-qasho haddii kuwaagii Finland kuu joogaan annaga halkan ayay nala joogaan nabadgelyadoodana xil baa naga saran, cidna uga dul-qaadan mayno in ay nabad gelyada waxyeelayso.”ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha KULMIYE oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in ay labada xisbi mucaarid wax ula yimaadeen oo ay isla qaateen  Guddoomiye Muuse ahaanna loo xil saaray in uu xukuumaddana ku soo qanciyo waxay isla gaadheen taasoo uu caddeeyay in uu ku soo guulaystay.
“Waxaa la ii diray qolo dawlad ah oo kuraasidoodii ku fadhida oo wakhti badan naawilaysay waxaanay  labada guddoomiye xisbi  igu yidhaahdeen  ka soo gaabiyoo halkaa keen ILAAHAY-na   wuu igu  soo guuleeyay,markaa maan  filayn in qolada mucaaridka ahi nagaga baxdo,dhantaalkaa innagu  dhacay waxaa laga yaabaa in uu dhibaato innagu keeno walaalayaal haddii aynu heshiinay oo  in aynu midawno aynu isla garanay oo aynu nidhi marxalad walba waxaa aynu kaga baxno haddii wixii la isku ogaa lagu kala baydho xumaan baa ka dhalanaysa,waxaan leeyahay taasi dhacdaye daawadeedii idinkaa la idinka rabaa.”
.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo daba socda hadalka siyaasadeed ee  uu ku duray Muuse Biixi,ayaa dhankiisa iska fogeeyay in ay ku kacayaan WADDANI ahaan wax nabad gelyada ka soo hor jeeda dhankoodana aan looga baqayn in ay nabada waxyeeleeyaan balse ay xaq u leeyihiin in ay fikirkooda cabbiraan waxaanu Guddoomiyaha KULMIYE  usoo jeediyay in aanay dhibsan markii ay mucaaridka ahaayeen waxyaabihii ay samayn jireen haddii ay iyaguna maanta ku tallaabsadaan. Isagoo guddoomiye Muuse kula kaftamay in  uu imika yahay nin nabadeed.
“Horta Guddoomiye Muuse Biixi Jaamacadda ayaanu wada galnay oo  imika waa nin nabadeed, wixii hore looga sheegi jirayna maaha midna waa sida uu u sheegay oo xisbiyadu way isku af-garteen oo waxba halkaa kaga noqon maayo. waxaanan leeyahay annaga WADDANI ahaan nabadda na looga baqi maayo cid nabadgelyada waxyeelaysana naguma jirto laakiin  in aanu filkirkayaga cabbirno oo shucuurtayada  si nabad gelyo ah u muujino xaq ayaanu u leenahay laakiin waxaan leeyahay saaxiibkay Muuse KULMIYE yaanay la xumaan wixii ay samayn jireen markii ay mucaaridka ahaayeen.”ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply