Xisbiga Waddani ayaa sannadahan u dambeeyey aad ugu mashquulay sidii xogo been ah oo ka dhan ah jiritaanka Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland uga dhaadhicin lahaa dalalka xidhiidhka aan la leenahay iyo hay’adaha caalamiga qaarkoodba waxyaabo aan ka jirin dalka, ayaa si uu beenahaa run ugu ekaysiiyo uu shalay xisbiga Waddani ku daadiyey magaalada Hargeysa waraaqo manshuuraad ah oo uu ugu baaqayo dadka bannaan bax ballaadhan oo aan sharciyad loo marin.
Sideedaba waraaqaha manshuuraadka ee sida qarsoodiga ah loogu daadiyo baro kala duwan oo ka mid ah magaalo, waxa laga isticmaalaa dalalka aanay ka jirin warbaahinta xorta ah ee lagaga dhaqmo nidaamka halka xisbi. Haddaba haddaan idiin yara iftiimiyo ujeeddada uu xisbiga Waddani ka leeyahay manshuuraadkan uu shalay ku daadiyey Hargeysa ee ku baaqaya mudaharaadka, waxa uu uga dan leeyahay inuu wefdi Talyaani ah oo la sheegay inuu dalka maanta booqasho ku imanayo u muujiyo in Somaliland tahay meel aanay ka nidaam dimoqraadiyadeed iyo xorriyatul-qawl toona ka jirin.
Geesta kale, waxa muuqata in hoggaanka sare ee xisbiga Waddani aanu isku mashquulin u diyaar-garowga doorashada, hase yeeshee ay u tafa xayteen oo kaliya sidii ay bar madow ugu yeeli lahaayeen dawladnimada iyo jiritaanka Somaliland, iyagoo mar kasta oo gudaha ama dibedda ha joogeene u qeybiyey ama u sheegay hay’adaha caalamiga iyo dalalka xidhiidhku innaga dhaxeeyo warbixino ku xun danta guud ee Qaranimo iyo dalkaba.
Tibaaxaha ugu dambeeyay ee soo baxayay labadan maalmood ee u dambeeyay, waxa ay sheegayaan in asbaabaha uu hoggaanka xisbiga Waddani ballan-furka uu ugu sameeyey labadii xisbi (UCID) iyo (Kulmiye) ee la xidhiidha muddo kordhinta ay lug ku leedahay imaatinka weftiga ka socda dalka Talyaaniga oo markaa arrinka xisbiga Waddani yahay “Nina caadadii ma baajo, bahalna caydhin ma daayo.”
Si kale haddii aan u dhigno bal idinkuba isweydiiya, maxaa isku beegay in Guddoomiye Cirro oo lagu sheego nin weyn oo diblomaasi ahaa, siyaasiya oo beri damac kaga jiro inuu dalka Madaxweyne ka noqdo uu haddana ku ballan-furo siyaasiyiin ay isku maqaam yihiin, oo dant adalka waday, isla markaana uu manshuuraadyo aan weligeen dhaqan innoo ahayn ku daadiyo caasimadda Hargeysa, xilli uu wefti Talyaani ahi imanayo dalkeenna.?
Sida ka muuqata ficilladaa oo ah kuwa dhaqan ahaan uu kaga faqooqmo dadka qofka ku kacaa, Cirro oo madaxweyne doonayaana hadalkiiba daa, markaa waxa tallaabadan oo kale ku kellifay Guddoomiyaha xisbiga Waddani, waxan odhan karnaa laba midkood oo kala ah, in balag loo lullay iyo inuu jir-jirroole yahay oo aan laaxin ku jirin arrimihii uu ugu socdaalay dalka Turkiga bishii April, 2015 ee warbaahinta qaarkood soo bandhigeen dhagarihii uu u soo qoolay Somaliland iyo kulankii uu la yeeshay madaxweynaha dawladda ku tiirsanaha u ah ciidammada midowga afrika (dependant).
Arrimahan iyo kuwo kale oo badan oo aan marar kale falan-qeyn doono marka laysku geeyo, waxa kuu soo baxaya in Guddoomiyaha xisbiga Waddani aanu doorasho doon ahayn, balse uu u muuqdo shakhsi mashruuc kale loo soo xambaariyey, si uu uga dhex fuliyo Somaliland isagoo laba xil huwan, kan xisbiga iyo ka Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo u ah balaayo xijaab iyo awood uu si fudud ugu helayo siraha dawladda uu ka midka yahay.
Waxa kale oo xaqiijin u ah mashruuca aan kor ku soo xusnay, in aanay caqliyan marnaba wax is-dabooli kara ahayn, in aan Guddoomiye xisbi mucaarid oo u tartamaya jagada Madaxweynaha ahaado, haddana aan hayo xil ka mid ah kuwa dawladda aan mucaaridka ku ahay!. Waxa ay dad badani aaminsan yihiin in hoggaanka Waddani khidad kale oo lid ku ah Qaranka ku xidhiidhsan yahay, halka kuwa kalana weli ku jaha-wareersan yihiin siyaasaddiisan marooraha leh ee uu marna ku ansixiyo go’aano taageeraya dawladda, balse lid ku yihiin xisbiga u arkaan kuwa taageeraa.
Dawannew Hargeysa office